Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa Oo Booqday Xarunta Baarlamaanka Dalka Belgium “SAWIRRO”

0

Boqashada_baarlmaanka_belgiumBrussels(AGGM) Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ay ku joogaan socdaal shaqo ayaa booqasho ku tagay xarunta Baarlamaanka dalka Belgium.

Booqashadan ayaa waxaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka iyo wafdigiisa ku wehliyey safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Dalka Talyaaniga Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaana ay soo indha indheeyeen dhammaanba qeybaha kala duwan ee uu ka koobanyahay dhismaha xarunta Baarlamaanka dalka Belgium.

Xarunta Baarlamaanka waxaa kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka Belgium Hon. Sabine De Bethune oo sidoo kale ay kulan wada qaateen wafdiga uu hogaaminayo Mudane Jeeylaani Nuur Iikar Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Baarlamaanka Dalka Belgium ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen sidii ay iskaashi iyo wada shaqeyn joogta ah u yeelan lahaayeen labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Belgium taasi oo labada dhinac ay isku raaceen abuurista jawi wada shaqeyn iyo iskaashi joogta ah oo ay yeeshaan labada Baarlamaan.

Wafdigan ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka ayaa magaalada Brussels uga qeybgalay shirka ACP-EU kaasi oo mudo 20 sano ka badan aanay Baarlamaanka Soomaaliya wafdi ka socda ka qeybgalin.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Iikar_iyo_Madaxda_BelgiumBoqashada_baarlmaanka_belgiumMadasha_shirkaWafdi-Baarlamaanka-Midowga-Yurub-11