Daawo: Aabe Soomaaliyeed Oo Wiilkiisa Muddo Badan 16 Sano Ku Jiro Xabsi Talyaaniga Ah,Codsina Diraya

0

Aabe-cumar-362x350Muqdisho(AGGM) Aabaha dhalay Xaashi Cumar Xasan oo muddo 15 sano ku xiran dalka Talyaaniga loona heysto in uu ka dambeyay dilka Saxafiyad u dhalatay dalkaasi oo sagaashameyadii lagu dilay dalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday dowladda Talyaaniga in maxkamadeyntiisa loo soo wareejiyo dalka Soomaaliya.

Cumar Xasan oo ah aabaha dhalay Xaashi Cumar oo ku xiran dalka Talyaaniga muddo dheer ayaa ka dalbaday dowlada Talyaaniga in Maxkamadeynta Wiilkiisa loo soo wareejiyo dalkeena Soomaaliya.

‘’Markii ugu horeysay Xaashi Cumar Xasan waxaa la xiray bishii Janaayo sanadkii 1998, waxaana lagu xiray dalka Talyaaniga iyadoo lagu eedeeynayo inuu ka dambeeyay dilka Saxafiyad u dhalatay Talyaaniga oo lagu dilay Muqdisho, dembigaasna shaqo kuma laha oo xiligaasi maba joogin Muqdisho’’ ayuu yiri Cumar Xaashi

‘’Wiilkeygu dambiile ma aha dalka Talyaaniga sooma aadeen hadduu dambiile yahay dowlada Talyaaniguna wey ka gardarantahay wiilkeyga waana wax lala yaabantahay sharciga uu ku xiranyahay wiilkeyga’’ sidaasi waxaa yiri aabaha dhalay Xaashi Cumar Xasan.

Ugu dambeyntii Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka gabar wariye ah oo dhalatay Talyaaniga oo harraantoo Sagaashameeyadii lagu dilay Muqdisho ayaa ku xiran dalka Talyaaniga muddo 15 sano ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com