Alshabaab Oo Dagaalo Culus Ku Dhexmareen Magaalada Barawe Iyo Xisado Dagaal Oo Jira

0

Imran-Khan_2304244bMuqdisho(AGGM) Iska horimaad xooggan o u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan Shabaab ayaa xalay ka dhacay maagaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalkan oo ahaa mid aah u culus la isuna adeegyaday noocyada kala duwan ee hubka ayaa 8:30 fiidnimo ee xalay waxa uu ka qarxay degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, kaas u dhaxeeyay maleeshiyaad kala taabacsan horjoogayaasha Axmed Godane iyo Rooboow.

Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad uu watay horjooge hoose oo lagu magacaabo Mahad Karatee, islamarkaana taabacsan horjooge Axmed Godane uu weeraray maleeshiyaad kale oo ka amarqaata horjoogayaasha kala ah Ibraahim Afqaan, Xasan Daahir iyo Muqtaar Rooboow.

Dagaalka oo socday saacado badan oo xalay ah ayaa markii dambe iskiis u istaagay,  lamana garanayo qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, hase yeeshe ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa muujinaya in saaka magaalada Baraawe laga dareemayo dhiillo colaadeed iyo abaabul dagaal oo u dhaxeeya maleeshiyaadka ka wada tirsan Shabaab,  kuwaa oo wali ishorfadhiya.

Iska horimaadka ayaa salka ku haya khilaaf ka dhaxjira horjoogayaasha ugu sareeya Shabaab kadib markii Muqtaar Rooboow, Xasan Daahir iyo Ibraahim Afqaan ay bilaabeen abaabul ay ku sameeysanayaan maamul ka madax banaan Axmed Godane.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Shabaab ayaa xilliyadii ugu dambeeyay wax ay wadeen dhaqaale urursi ay ku doonayaan in bisha Ramadan ay dagaallo fidna ah uga fuliyaan gudaha dalka, iyadoo horjoogaha ugu sareeya Shabaab ee Axmed Godane uu diyaargarow ugu jiro sidii uu uga taqalusi lahaa horjoogayaasha ka soo horjeeda.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com