Warbixin: Xaalada Kismaayo Oo Allow Sahal Ah & Maleeshiyooyin Wado Kasta Xirtay

0

dagaalKismaayo(AGGM) Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maalintii labaad ah meel kala xiran isla markaasna ma jiraan wax isu socod ah oo ka jiraa magaalada kismaayo,waxaana sidoo kale xiran dhamaan meheradaha qanacsiga iyo dhamaan dukaamadii yar yaraa ee ku yaalay xaafadaha magaalada kismaayo iyadoo xilli kasta la filan karro dagaalo qarxa.

Magaalada inta badan waxaa gacanta ku haya kooxaha ka soo horjeeda Jabhadda Raaskambooni,waxaana la sheegayaa in ciidamada Raaskambooni ay ku sugan yihiin meelo kooban sida guriga Madaxtooyada u ah oo ay difaac kaga jiraan & garoonka diyaaradaha iyo dekedda oo ay la joogaan ciidamada kiiniya.

Boqolaal Maleeshiyaad ah oo aad u tiro badan ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada kismaayo kuwaasi oo celinaya cid kasta oo isku dayda inay wadooyiinkaasi adeegsadaan,waxaana dadka ay ku amrayaan inay dib ugu laabtaan meeshii ay ka yimaadeen, ma jiraan wax gaadiid ah oo magaalada u kala gooshayaa,waxaana arrintaasi ka dambeysay iska hor imaadyo kooban oo ka dhashay dhaawacii Yaasiin Raadeer.

Wado kasta oo magaalada kismaayo ah waxaa Saaran Liif qori,waxaana maleeshiyooyinkani yihiin kuwo doonaya inay dagaal galaan sida ka muuqata,waxaana ay ku dadaalayaan sidii dagaalo logu hoobto uga dhici lahayeen magaalada Kismaayo iyadoo dagaalo maalmihi la soo dhaafay ka dhacay kismaayo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo isugu jira shacab iyo kooxihi dagaalamayey iyo tiro badanina ku dhaawacantay.

Dhinaca kale waxaa Magaalada laga maqlayaa Idaacada Radio Jubba oo dhawaan hawada soo gashay isla markaasna xaalada Magaalada ka hadlaysa isla markaasna ugu baaqeysa dhinacyada isku haya siyaasada Magaalada kismaayo inay shacabka ka dayaan dagaalada isla markaasna joojiyaan colaada.

Ma jiraan cid isku hawshay daminta xiisadaha ka taagan Magaalada kismaayo,waxaana nin kastaa isku dayayaa sidii uu uga badbaadi lahaa dagaalada kismaayo kuwaasi oo ah dagaalo aan cidna loo tuureyn hadii ay qarxaan,waxaana qof kasta oo aan ka tirsaneyn kooxaha dagaalamaya uu ku jira gurigiisa isagoo naawilaya meesha xaaladu ku dambeyn doonto.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com