War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Weerar Hubeysan Ku Qaaday Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.

0

Breaking_NewsMuqdisho (AGGM): Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Weerar is qarxin iyo rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho Maleeshiyaad ka tirsan falaagada Al shabaab ayaa gudaha u galay Xarunta UNDP oo ku taala agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Wararka hadda iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in maleeshiyada falaagada Al Shabaab ay ku soo galeen Labo Gaari oo aad u hubeysanaa.

Wararka ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in weerar Ismiidaamin ah uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta UNDP oo ku yaala agagaarla Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale gudaha Xarunta ay ka dhacday rasaas is weydaarsanayan ilaalada Xarunta iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayan in 3 nin oo hubeysan oo shabaab ah ay ku jiraan gudaha xarunta sidaas darteedna ay adag tahay in la ogaado khasaaraha ka dhacay weerarkan.

Wariyaasha waxay sheegayan in laga yaabo in weerarkan oo abaabulanaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac saraakiil UNKa tirsan.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in AMISOM iyo Laamaha Sirdoonka UNka lagu war geliyay in weerarkan maalmo ka hor balse ay is dhigeen oo aan waxba ka soo qaadin warbixinta Sirdoonka ee laga helay al shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com