War Deg Deg Ah: Falaagada Al Shabaab Oo Sheegtay Weerarki Hubeysanaa Ee Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.

0

breaking_news-620x3301Muqdisho (AGGM):Falaagada Al Shabaab ayaa wuxuu goor dhaw sheegtay Masuuliyada weerarka hubeysan ee maanta lagu qaaday Xarunta Hay’adda UNDP, ay ku lee dahay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta xoog ku galeen Dhismaha Xaruntaan, waxayna ka geysteen qaraxyo, dilal iyo dad ay ku dhaawaceyn.

Raggaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay si xoog leh ay ku jabiyeen irida hore ee laga galo Xarunta UNDP, ka gadaal markii mid kamid ah uu ku burburiyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Falaagada Al Shabaab ayaa waxay ku faantay inay iyadu ka dambeysay qaraxaan, sida ay ku sheegtay bogga ay ku lee dahay Internet-ka, iyadoo ku goodisay inay sii wadi doonto weerarada noocaanoo kala ah.

14-kii bishii April ee sanadkaan ayay ahayd, markii Al Shabaab ay weerar kanoo kala ah ay ka geysatay Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, oo ku taala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com