Ra’iisul Wasaare Saacid “Qaraxyada Fulaynimada Ah Nagama Hor Istaagayaan Dib U Soo Celinta Nabadda.”“SAWIRRO”

0

IMG_06331Muqdisho(AGGM) .Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si kulul u cambaareyey qaraxii ka dhacay maanta xarunta QM ay ku leedahay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan uu la qaatay Ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, uga tacsiyeeyey shaqaalihii  ku waxyeeloobay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay dadkA reer muqdisho inay is dajiyaan, dowladuna ay qaadayso talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga.

“Ciidanka qaranka ayaa si geesinimo leh uga jawaabay ficilkaan axmaqnimada ah waxayna ka hortageen khasaaro intaas ka badan, ciidankuna waxay u taagan yihiin  difaaca shacabkooda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana xusay in Hay’adaha Q.M ay diyaar u yihiin u dhabar adeegida ficilada ay gaysanayaan argagaxisadu. Lakiin Al-shabaab ma hor istaagi karaan hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka, ma joojin karaan dib-u-kabashada, rabshaduhuna ma guulaysan doonaan.

Dhanka kale Ergayga gaarka ah ee Q.M Nicholas Kay ayaa dhankiisa sheegay in uu soo dhaweynayo tacsida qaran ee dowladda iyo garab istaagooda, waxuuna si xoog leh u cambaareyey qaraxii lala eegtay maanta xarunta Q.M.

“Hay’adaha Q.M waxay dalka u joogaan sidii ay caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed, mana niyad jabinayso qaraxyadii maanta lagu qaaday xarunta Q.M, waxaana halkaan uga tacsiyeeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxyada oo isugu jira Soomaali iyo shaqaale Ajanabi ah, ficilkaana maahan mid naga hor istaagaya inaan Soomaaliya ka sii shaqayno” ayuu yii Nicholas Kay

Ergayga qaramada midoobay ayaa hoosta ka xariiqay inay si xowli ah ku sii socon doonto garab istaaga dowlada Soomaaliya

“Dowladda Soomaaliya ayaa hormuud ka ah shaqooyinka aan u joogno dalka, waxaana diyaar u nahay in markasta kula shaqayno duruufaha adag ee soo wajaha shaqada aan u hayno shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkan uga mahad celinayaa ciidanka Soomaaliya iyo shaqaalaha Q.M oo ku jiray xarunta oo badbaadiyey dad faro badan” ayuu yiri Nicholas Kay

 -DHAMAAD—

IMG_0644IMG_0645IMG_0689IMG_06331