Qaramada Midoobay oo Cambaareysay Weerarkii Argagixiso oo Maanta Lagu Qaaday Xarunta Q.M ee Muqdisho:-WARSAAFADEED

0

kay-150x150Muqdisho(AGGM) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan soomaaliya UNSOM Nicholas Kay,ayaa cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday xarunta qaramada midoobay ku lahayeen magaalada muqdisho.

Mr Nicholas Kay ayaa sheegay abaarihii11:30  subaxnimo ee saaka gaari waxyaabah qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay albaabka dhismaha xarunta qaramada midoobay,ka dibna kooxaha weerarka soo qaaday ayaa lug ku gulay xarunta,waxaana la maqlayay rasaas iyo qaraxyo kale,waaxana shaqaalihii xarunta ay bilaabeen in ay raadsadaan meel ay gabaad ka dhigtaan.

“runta ahaantii aad ayaan uga naxay waxa maanta ka dhacay magaalada muqdisho.dhismaha la weeraray ayaa waxaa wada deganaa hay,adaha Qaramada midoobay oo isugu jira kuwa shacabka soomaaliyeed ka taageera arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta,weerarka maanta waxa uu ahaa mid ay fuliyeen koox argagixiso ah iyo mid la isku dayayo in soomaaliya looga leexiyo wadada dib u soo kabashada iyo nabadda.” Ayuu yiri Mr Kay.

“waxaa mahad ah in inta badan shaqaalaheena aysan waxbo ku gaarin weerarkaasi. Waxaan jeclaan lahaa in muujiyo sida aan ugu mahadcelinayo dowlada soomaaliya iyo shacabkeedaba sida taageerada iyo walaaca leh oo ay noola wadaageen dhibaatada na soo gaartay,waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa ciidamada soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo si deg deg ah uga jawaabay weerarkasi,islamarkaana bad baadiyay tobanaan ka mid ah shaqaale isugu jiray qaramada Midoobay.soomaali iyo kuwo caalami ahba.” Ayuu sii raaciyay Mr Nicholas

Mr Nicholas Kay ayaa sheegay in qaramada midoobay ay wali ka go’antahay is garab taaga shacabka soomaaliyeed.

Mr Kay ayaa ugu danbeeyntii tacsi u diray dhamaan saaxiibadii iyo qoysaskii ay eheladooda wax yeeladu ka soo gaartay weerarkasi argagixiso.