Midowga Afrika oo Cambaareeyay Weerarkii Argagixiso ee Maanta Lagu Qaaday Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

0

Mahamat-Saleh-AnnadifMuqdisho(AGGM) Wakiilka gaarka ah ee midowga afrika u qaabilsan soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee maanta lagu qaaday dhismaha xarunta qaramada midoobay ee magaalada muqdisho oo ay sheegteen maleeshiyaadka Shabaab.

“waxaan cambareeyneeynaa weerarka fulaynimada ah ee lagu qaaday xarunta qaramada midoobay ee magaalada muqdisho. Weerarkan guuldareystay ee shabaab waxa uu yahay mid lagu carqaladeynayo dadaalada ay wadaan dadka soomaaliyed oo ay kaga soo kabsanayaan sanaddo dagaallo ah,taasina nagama niyad jabin doonto dadaalka wada jirka ah ee ku taageereyno shacabka soomaaliyed si ay dib ugu dhistaan dalkooda”.ayu yiri Ambassador Mahamat Saleh Annadif.

Ambassador Mahamet Annadif ayaa amaanay jawaabta deg dega ah oo ay weerarkaasi ka bixiyeen  ciidamada qaaska ah ee soomaaliya iyo  midowga afrika,isagoo sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dadaalka lagu xasilinayo soomaaliya.

Midowga afrika iyo AMISOM maanta wey garab taaganyihiin shacabka soomaaliyeed ayuu yiri,” Amb Annadif,

Ambassador Mahamet Annadif ayaa tacsi u diray dadkii saaxiibadoodii ay jelaayeen ku waayay weerarkii argagixiso,isagoo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com