Ma Rabo In Aan Dowladda Soomaaliya La Shaqeeyo, Laakiin Waxaan Jeclahay In Aan Dowlado Kale Madiidin U Noqdo Caqli Shaqeynayo Ma Ahan!

0

MaqaalIlaa iyo markii ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya bur-burtay, maalinba maalinta ka danbeysa waxaa soo baxayay wax lala yaabo! Waxay shacabka Soomaaliyeed horay usoo arkeen dagaal ooge-yaal ah watay magac ururo, kuwaasoo qori caaradiis xukunka uga tuuray madaxweynihii markaas dalka ka talinayay Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Bare, balse waxii laga dhaxlay ay ahaayeen un: Dil, boob, dhac, kufsi, barakac, fakhri, jahli iyo is-aaminaad la’aan umadda Soomaaliyeed dhexdeeda ah.

Waxaa ku xigay kooxo watay magac diimeed oo iyagana ay kooxiba – koox kale badashay, kuwaasoo iyana aanan ilaa iyo hadda ficiladooda la mahadin, wax yeelada ay umadda u geysteen iyo fadqalaladii ka dhalatayna ay wali taagan tahay.

Intaasoo dhan waxaa kasii daran, ayada oo mudadaas dheer ee dowlad la’aanta ah ay abuurmeen kooxo daneyste-yaal ah oo aanan cidna u aabo yeeleyn, balse waxa kaliya ee ay rabaan ay tahay in ay quwado shisheeye qabbaan u noqdaan danahoodana u fuliyaan.

Bal u fiirso hadda fool xumada ka taagan gobolada Jubbooyinka oo dad magac Soomaaliyeed wata, laakiin feker iyo maskax gumeysi ku shaqeynaya ay har iyo habeyn u ordayaan Nairobi iyo Addis Ababa, ayaga oo marka aad weydiiso sabababta ay madaxda Soomaaliya ula shiri la’yihiin oo ay Muqdisho u tagi la’yihiin kugu leh “Kenya iyo Itoobiya ayaan kaga kalsoonahay dowladda Soomaaliyeed ee aad sheegeyso!.”

Kaaga sii darane, waxaa kale oo iyana cajiib ah in xubnaha dubka Soomaaida uga eg, balse maskaxda ajnabi wata waxyaabaha ay aaminsan yihiin waxaa ka mid ah:

1.  In borobogaando raqiis ah lagu furo oo mar walba la caayo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya

2.  In la mucaarado oo aanan lala shaqeynin dowladda Federaalka Soomaaliya

3.  In la diido gogol nabadeedka iyo dib u heshiisiinta ay har iyo jeer madaxda dowladda Federaalka ku baaqayaan

4.  In la amaano mas’uuliyiinta dowlado ajnabi ah, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Itoobiya

5.  In loo dhego nuglaado lalana shaqeeyo, meeshii ay rabaana lagula shiro madaxda dowladaha ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Itoobiya

6.  In gobolada ay dowladda Soomaaliya maamulada u sameysay laga huriyo colaad iyo deganaasho la’aan, si loo wiiqo maamulka Federaalka Soomaaliya iyo kan goboladaba.

Gobolada hadda sida weyn looga wado ololaha qorshaha fashilinta iyo dhabar jebinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo.  Dadka ku midoobay u shaqeynta ajnabiga iyo la dagaalanka dowladda Soomaaliya ayaa waxaanay ilaa iyo hadda ku baraarugsaneyn naceybka xad dhaafka ah ee ay maalinba maalinta ka danbeysa ka kasbanayaan wadaniyiinta Soomaaliyeed ee har iyo habeyn diyaarka u ah sidii ay dhulkooda uga ilaashan lahaayeen cadowga ay sida indha la’aanta ah ugu soo hor kacayaan.

In badan oo Soomaalida uu qalbigooda fiican yahay ah ee ku baraarugsan qatarka ka imaan karta qorshaha ay dowladda Kenya gadaal ka taagan tahay ee ay rabto in ay gobolada Jubbooyinka ka sameysato maamul goboleed maqaar saar ah, ayaa markii aad wax ka weydiiso jaho wareerka siyaasadeed ee ka jira gobolada Jubbooyinka waxay ku oranayaan “Soomaaliya Soomaali baa leh, Kenya iyo kaba qaadyadoodana waa in ay dalka Soomaaliya isaga baxaan, kana tana sulaan hamigooda la xariira dhul boobka!.”

Ugu danbeyntii, fekerka qaldan ee ah “ma rabo in aan dowladda Soomaaliya la shaqeeyo, laakiin waxaan jeclahay in aan dowlado kale madiidin u noqdo” caqli shaqeynayo ma ahan, ee inta ay goori goor tahay waxaa fiicnaan laheyd in ay kooxaha Soomaali-diidka ah naftooda u sheegaan in aanay Kenya dhulka Soomaaliyeed laheyn ee cidda iska leh ay tahay umadda Soomaaliyeed.

——————
Maxamed Yuusuf Cabdi
Muqdisho, Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com