Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Q.M Uga Tacsiyadeeyey Weerarkii Argigixiso Ee Maanta…. WARSAXAAFADEED

0

DSC056831Muqdisho(AGGM) Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga tacsiyadeeyey QM weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “waxaan doonayaa inaan halkaan tacsi ugu diro QM oo aan uga tacsiyadeeynayo weerarkii argigixisonimo ee maanta lagu qaaday xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho, runtii falkaasi waa fal argigixisonimo oo aan raad ku laheyn diinta Islaamka”

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri” waxaan rajeynayaa falkaasi argigixisonimo inuusan saameyn ku yeelan doonin howlihii samafal ee ay hay’adaha QM ka wadeen gudaha Soomaaliya gaar ahaanna barnaamijyadii hormarinta ee ay Hay’adda UNDP ka waday gudaha Soomaaliya iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay Caalamka”

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuusan falkaan argigixisonimo saameyn ku yeelan doonin dadaallada hormarineed ee ay Dowladda Federaalka iyo Shacabiga Soomaaliyeed ku doonayaan iney Dowladnimadooda ku hormariyaan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney meel ugasoo wada jeestaan cadawgooda taasina ay tahay xalka kaliya ee looga adkaankaro argigixisada.

—-DHAMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka