Fadeexad Daran: Isbitaalka Guud Ee Bosaaso Oo Korantadii Laga Jaray & Puntland Oo Diiday Inay Bixiso

0

45Garoowe(AGGM) Isbitaalka Magaalada Bosaaso ee loo yaqaano Hospitaal Bosaaso ayaa maalintii 4 aad korantadu ka maqan tahay ka dib markii Maamulka Puntland diideen inay bixiyaan kharashka dabka isbitaalka,waxaana la sheegey in maamulka gobolka Bari uu bixin jirey kharashaadka korontada balse ay diideen inay bixiyaan bishii la soo dhaafay.

Maamulka Isbitaalka dawlada Puntland ayaa shaaciyey inaan lagu wargelin in korontada la jaranayo isla markaasna uusan maamulka gobolka Bari uusan lacagtaas bixin taasi oo keentey in Xooga Korontada Magaalada Bosaaso jartaan laydhkii ay siin jireen Isbitaalka Bosaaso ee hoos taga dawlada Puntland.

Afar Maalmood waxaa maqan korontada waxaana isbitaalka jiifa dhaawacyo iyo bukaano kala duwan oo aan ka maarmin isticmaalka Laydhka,waxaana la xaqiijinayaan inay isbitaalka jiifaan dhaawacyo kooma ku jira kuwaasi oo u baahan Haamaha naqaska isla markaasna aan ka maarmeyn Korontada.

Arrintan ayaa fadeexad aad u daran ku noqotey Maamulka Gobolka Bari ee Maamulka Puntland oo ah meesha kaliya ee dhaqaalaha Puntland ugu badan ka soo baxo,waxaana la sheegayaa in dhaqaalaha Dekadda ka soo baxaa uu toos ugu dhaco Xarunta Madaxtooyada Puntland gaar ahaan Accounts u gaar ah Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Taalabadan ayaa ka xanaajisay Maamulka Isbitaalka Magaalada Bosaaso oo sheegey inaysan ahayn Arrintani macquul isla markaasna sharaf darro ku tahay Maamulka Puntland ee ka arrimiaya gobolka bari,waxaana maamulka Isbitaalku shaaciyeen in fadeexadaasi saameyn ku yeelan doonto Madaxda maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii maahan ceebtii ugu darnayd ee Maamulka Puntland soo wajahda,waxaana inta badan dhaqaalaha degaanada Puntland lagu xantaa inay ku dhacaan Sanduuyo u gaar ah Madaxda Maamulka Puntland oo la sheegey inay boorsooyin ku qaadaan isla markaasna dhaqaalaha dalka ka soo baxa ku shubtaan Accounts ay dalka dibediisa ku leeyihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com