Faah-faahin Dheeri Ah:Weerarki Maanta Lagu Qaaday Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.

0

undpMuqdisho (AGGM): Saacada magaalada Muqdisho markeey ahayd 11:00 oo barqanimo ayaa kooxo hubeysan islamarkaasna ay ku xiranyihiin walxaha qarxa waxay weerar toos ah ku qaadeen xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, iyagoo dhowr qarax ka fuliyay gudaha Xaruntaas.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa xigtay rasaas xoogan oo ka dhaceysay gudaha Xarunta, iyadoo aan ilaa iyo hada si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarka.

Weerarka ayaa ku bilowdey qof naftiisa qarxiyey, kadibna koox huebysan ayaa gudaha u galay Xarunta halkaas oo ay kula dagaalameen AMISOM iyo Ciidanka Dowladda.

Xarunta waxaa ilaalinayey Ciidamada AMISOM oo ay weheliyaan kuwo Soomaali ah oo si gaar ash u tababaran, Waxaana ay ku taala meel wax yar u jirta garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho oo kamid ah goobaha aadka loo ilaaliyo.

Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho gaar ahaan UNDP la weeraray, Dadka Muqdisho ayaa soo sheegaya in ay qaraxyo waaweyn maqlayaan iyo rasaaas la is dhaafnsanayo.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM ayaa xaqiijiyey in mid kamid ah Xarumahooda la soo weeraray, waxayna sheegeen in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay arinta ku guda jiraan, faah-faahina gadaal laga bixin doono.

Madaxa UNDP ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in marka weerarku dhacaayo uu kulan la lahaa Afhayeenka Baarlamaanka Prof.Jawaari isla markaana uu caafimaad qabo oo ka fogaa xaruntiisa.

Kooxda weerarka ku qaadey UNDP Muqdisho ayaa la sheegayaa in ay xirnaayeen Direyska Ciidanka Dowladda, wararka qaar ayaa sheegaya in ayba xirnaayeen dhar ay gaar u leeyihiin Booliska ilaaliya hay’adaha Muqdisho, Waxaana weerarkaani la mid yahay kii hadda kahor Ururka al-Shabaab ku qaadeen maxkamadda Gobolka Banaadir. Kooxda weerarka qaadey ayey u suurta gashey in ay la wareegaan xarunta UNDP.

Isku soo wada duuboo Horjooge katirsan falaagada arxanka daran ee Al-shabaab oo wareysi kooban siinayay wakaaladaha wararka, ayaa sheegtay ineey iyagu ka danbeeyeen weerarka, waxaana uu sidoo kale sheegtay in weerarkaas ay ku dileen saraakiil cadaan, laakiin ma’uusan faahfaahin magacyada saraakiisha ay dileen.

Majiro wax war ah oo ilaa iyo hada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Waxii kasoo kordha warkan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com