Dawladda Mareykanka Iyo Ururka Daalibaan Oo Wada Hadallo U Furmayaan

0

Imran-Khan_2304244bLondon(AGGM) Saraakiil sar sare oo ka tirsan aqalka cad ee maraykanka ayaa ku dhawaaqay in Dowlada Maraykanka ayaa wada hadalo toos ah oo nabadeed dalka Qadar kula yeelaneyso ururka Taliban. Kulanka u horeeya ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda ka dhaco Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar,halkaasi oo ururka Taliban ay ka furteen xafiiskoodii ugu horeeyay oo rasmi ah.

Madaxweynaha Dalka Afghanistan Hamid Karzai ayaa sheegay in dowladiisa wafuud u direeyso dalka Qadar si ay wada hadal ula yeeshaan ururka Taliban. Ku dhawaqista wada hadalka tooska ah ee u bilaabanaya maraykanka iyo ururka Taliban ayaa yimid maalin ka dib markii ciidamada Nato ay guud ahaan amaanka dalka Afganistan ku wareejiyeen ciidamada dalka Afganistan.

Saraakiisha maraykanka ayaa sheegay in waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ay ka mid tahay isweydaarsiga maxaabiista ay kala haystaan labada dhinac.laakiin todobaadyada ugu horeeyay waxaa wada hadalada diirada lagu saari doonaa in la isdhaafsiga ajendayaasha..

Si kastaba ha ahaatee waxaa wada hadalladda dhax mari doona labada dhinac ku xiran shuruud ah in ururka Taliban ay joojiyana qalalaasaha,islamarkaana ay jaraan xiriirka ay la leeyihiin urur weynaha Al-Qaacid,tixgaliyaana dastuurka dalka Afganistan oo ay ku jiraan xuquuqda haweenka iyo dadka tirada yar.

Saraakiisha maraykanka ayaa intaasi ku daray in toobaadka soo socda uu kulanka ugu horeeya ee u dhaxeeya maraykanka iyo Taliban uu ka dici doono magaalada Doxa ee caasimadda dalka Qadar. Heerka xiriirka is aaminaada ee u dhaxeeya dowlada Afganistan iyo ururka Taliban ayaa lagu tiriyaa in uu yahay mid aad u hooseeya.

Ururka Taliban ayaa dhowr jeer horoy u diiday in ay la kulmaan madaweyne Karzai ama dowladiisa iyagoo ku eedeeyay in uu daacad u yahay dowlada maraykanka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com