Dagaalo Culus Oo Xalay Dhexmarey Ciidamada Dawlada Ee Gobolka Hiiraan Iyo Kooxda Alshabaab

0

CIIDAMO-KISMAAYOMuqdisho(AGGM) Duleedka Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa la sheegayaa in dagaalo culusi ka dhaceen xalay kuwaasi oo u dhexeyey ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Amisom iyo Falaagada Alshabaab,waxaana la sheegayaa in dagaaladaasi khasaare sababeen.

Goob Joogayaal diiday in Magacooda loo adeegsado saxafada  u sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro xoogan oo soo kala gaaray labad dhinac iyadoo Goobihii xalay lagu dagaalamay lagu soo warramayo in saaka ay degenyihiin. Waxaana weerarkan yimid ka dib markii Alshabaab wareereen fariisimaha ciidamada dawlada iyo Amisom.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa kala sheeganaya inay guulo kala gaareen,waxaana Sarkaal u hadlay ciidamada dawladu shaaciyey in dagaaladaasi ahayeen kuwo ay ka war hayene isla markaasna u sii diyaar garoobeen,waxaana uu shaaciyey in ciidamadoodu guul la taaban karro ka soo hooyeen dagaalkaasi oo ay ku dileen tiro Alshabab ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegey inay kooxdii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen farisiimihii ay ka soo duleen,waxaana uu shaaciyey in ciidamada dawladu dhawaan weeraro culus ku qaadi doonaan fariisimaha ciidamada Alshabaab ee ku yaala duleedka Magaalada Baladweyne,waxaana uu sheegey in kala wareegi doonaan.

Ugu dambeyntii weerarkan xalay ayaa imaanaya xilli dhawaan ciidamada dawlada oo kaashanaya kuwa Amisom ay la wareegeen degaano dhawr ah oo Alshabaab ku sugnayeen,waxaana talaabadani imaanaysaa xilli saraakisha dawlada iyo Amisom sheegeen inay dhawaan la wareegi doonaan degmada Buulo berde ee gobolka hiiran halkaas oo ay ku xoogan yihiin Alshabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com