Col Maxamed Buule '' Yaasiin Radeer Waxaa Dhawaacay Kooxduu Ka Tirsanaa Ee Raaskambooni ''

0

Somali-Force-in-GedoKismaayo(AGGM) Taliska ciidamada Federaalka ee gobollada Jubooyinka ayaa saaka ka hadlay dhaawacii shalay loo geystey Col Yaasiin Nuur Gaas waxaana ay sheegeen in falkaasi ahaa mid u dhexeyey kooxda Raaskambooni,waxaana saraakishu shaaciyeen inay dhaawaca sarkaalkaasi ka dambeeyeen maleeshiyaad ka tirsan raaskambooni oo isbaaro dhigtey.

Col Maxamed Buule oo ka mid ah saraakisha ciidamada dawlada ee kismaayo ku sugan ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeerey Cabdulahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah ku xigeenka Jabhada Raaskambooni,waxaana Fartaag sheegey in dilkaasi ay ka dambeyeen kooxo kale isla markaasna laga soo abaabulay meel ka baxsan magaalada kismaayo.

Col Maxamed Buule oo hadalkaasi ka jawaabayey ayaa sheegey inaysan jirin cid soo abaabushay dhaawaca Yasiin Radeer isla markaasna ay dhaawaceen Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Raaskambooni oo  isbaaro dhigtey wadada isku xirta Dekadda Iyo magaalada Kismaayo,waxaana Col Buule sheegey inuu Yaasiin ku mashquulsanaa qadista isbaaradaasi balse ay rasaas ku fureen ciidamadii isbaarada dhigtey.

Col Buule waxaa uu sheegey in Jabhada Raaskambooni ay yihiin kuwo dhibaato ka wada gudaha kismaayo isla markaasna ay dhibaatadii iyaga ku laabatey,waxaana uu sheegey inay maleeshiyaadka raaskambooni aysan lahayn dhaqan ciidan balse u muuqdaan dad miyi laga soo aruuriyey oo qoryo loo qaybiyey.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in kooxda dhaawaca geysatey ay beel ahaan ka soo jeedaan dhinaca Axmed Madoobe isla markaasna qaarkood ay shalay geeriyoodeen markii ay rasaas is waydaarsadeen ciidamadii ilaalada u ahaa Yaasiin raadeer markii uu dhaawacmay.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegey sarkaalkan in xaalada Magaalada kismaayo Maalintii labaad qasan tahay isla markaasna magaalada wado kasta ay u xiran tahay maleeshiyooyin kala ujeedooyin duwan isla markaasna qolo kastaa dhinaceeda ku sugan tahay,waxaana uu sheegey in dhawaan ciidamada dawladu talaabo adag qaadi doonaan oo ay kaga sifeyn doonaan kooxaha ku sugan kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com