C/kariin Xuseen Guuleed Oo Ka Warbixiyay Weerarki Xarunta UNDP Ee Magaalada Muqdisho.*Dhagasyo*

0

WASIIRKA-ARIMAHA-GUDAHAMuqdisho (AGGM): Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda soomaaliya Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa faaffaahin ka bixiyay qasaaraha weerarkii naftii halignimadda ahaa ee argagaxisada shabaab ka geysteen xrunta UNka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka uu isugu jiray weerar naftii halignimo ah iyo kooxo hubeysan oo gudaha u galay xarunta UNka.laakiin ay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya ay si deg deg ah uga howlgaleen xarunta iyagoo mid waliba uu door gaar ah qaadanayay,isago sheegay in ciidanka gaashaan ay galeen gudaha hoose ee xarunta UNka.

Wasiirka ayaa sheegay in weerarka ay ilaa hada inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen 4 ajaanib ah oo u badnaa ilaaladii amaanka goobta iyo 4 soomaali ah oo iyaguna ka mid ahaa ilaaladii xarunta UNka.

Mudane C/karin Xuseen Guuleed waxa kale oo uu sheegay in goobta lagu dilay 7 ka mid ah maleeshiyaadkii argagaxidsada ahaa ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Ugu dambeeynti Mudane C/kariin Xussen Guuleed ayaa waxa u mahadceliyay ciidamada amniga qeybahooda kala duwan isagoo uga mahadceliyay sida ay ugu guuleeysteen ugana hor tageen falkaasi waxuushnimada ah.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/06/Voice_013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com