Xog: Itoobiya Oo Sheegtey Inaysan Casuumad U Fidin Horjoogayaasha Raaskambooni (Sawiro)

0

axmedaddis12Addis Ababa(AGGM) Wasaarada arrimaha gudaha dawlada federaalka ee Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay inaysan dawladoodu wax qaabilaad ama casuumad ah u fidin kooxo maalmahan ku sugnaa Magaalada Addis Ababa isla markaasna ka tirsanaa Kooxda Raaskambooni,waxaana wasaaradu sheegtey inay ku yimaadeen Addis Ababa booqasho caadi ah oo aysan dawlada itoobiya ku lug lahayn.

Warkan oo galabta laga soo daayey RadioFana ee dalka Itoobiya waxaa shaaciyey Kaaliyaha Wasaarada Arrimaha Gudaha dawlada itoobiya,waxaana uu sheegey inaysan dawlada federaalka ahi aysan wax casuumad ah u fidin Axmed Madoobe iyo kooxda la socota oo maalmahan saxafada soomaalidu sheegeysay inay casuumad ka heleen dawlada itoobiya.

Masuulkan ayaa shaaciyey in dawladda Itoobiya ay xiriir wanaagsan la leedahay dawlada Federaalka ah ee soomaaliya,waxaana uu sheegey inaysan jirin cid ka socota dawlada federaalka ee soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa,waxaana uu sheegey inaysan tageersaneyn amase aysan tageersanayn maamul aan dawlada federaalka ah ee soomaaliya aysan aqoonsan.

Dhinaca kale waxaa warbixintan maanta ka soo baxday wasaarada arrimaha gudaha itoobiya sheegtey in kooxda Raaskambooni ay magaalada Addis Ababa booqasho caadi ah ku yimaadeen isla markaasna dawladu ka war hayso oo aysan jirin  cid ka tirsan dawlada federaalka ah ee itoobiya oo la kulmay.

Hadalkan waxaa ku cadeeynaya Sawiradii dhawaan laga soo qaaday Axmed Madoobe iyo kooxdiisa markii ay Addis Ababa ka dageen iyadoo ay halkaas ku soo dhaweyeen shacab beeshiisa ka tirsan balse aysan ka dhex muuqan cid ka tirsan Masuuliyiinta dawlada itoobiya mid Sare iyo Mid Xil hoose hayaa toona. Dhinaca kale Axmed Madoobe iyo kooxdiisu waxay ka dageen TERMINAL -ka LOCAL-ka loogu tallo galay Ee Terminal 3 halkaasi oo ay ka degaan dadka caadiga ahi oo aan loola dhaqamin sidii VIP-da.

Dhinaca kale kooxdan ayaa la sheegaya inay dhex degan yihiin huteel ku yaala Magaalada Addis Ababa gaar ahaan Xaafada Booli Makayl,waxaana ay kulamo la qaadanayaa jaaliyada soomaalida Kilinka 5-aad ee Addis Ababa degan iyadoo laga filayo inay waydiisan doonaan dhaqaale. Madaxda waxa lagu yaqaan inay degaan hutellada sida Hilton,Shariton & Intercontinental oo madaxda lagu ilaaliyo balse kuwan waxay dhex joogaan dad nooc kasta leh.

Ugu dambeyntii Masuuliyiinta Raaskambooni ayaa waji gabax kala kulmay Magaalada Addis Ababa Mana jiraan masuuliyiin dawlada itoobiya ah oo u qorshaysan inay la kulmaan. Dhinaca kale Madaxda Maamulada Puntland Iyo Somaliland waxa si diiran u soo dhaweya madaxda dawlada itoobiya iyadoo Lagu soo dhaweeyo qolka VIP-da isla markaasna loo soo galibiyo huteelo loogu tallo galay balse kuwan ma helin.

Isha Hay Allgaldaduud

Allgalgaduud@gmail.com

axmedaddis12axmedaddisaxmedaddis13axmedaddis14