War Deg Deg Ah: Dagaal Khasaare Badan Sababay Oo Ka Socda Kismaayo

0

deg-deg21Kismaayo(AGGM) Waxaa Gudaha Magaalada Kismaayo ka socda Dagaal aad u qaraar oo u dhexeya ciidamada ka wada tirsan waxaana dagaalkaasi yahay mid aad u culus isla markaasna dhinacyada dagaalamayaa isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi yahay mid ka duwan dagaaladii hore kismaayo uga dhici jirey.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa inuu yahay mid u dhexeya Ciidamo ka wada tirsan Jabhada raaskambooni isla markaasna laysu adeegsanayo gaadiidka dagaalka,waxaana la sheegayaa in dagaalkan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aad u tiro badan,waxaana dagaalkan salka ku hayaa dhaawicii maanta raaskamboni u geysatay Col Yaasiin Raadeer oo dhinacooda ka tirsanaa balse aan la beel ahayn.

Dhaawacan ayaa xiisad ka kiciyey magaalada kismaayo ,waxaana uu sababay in dagaalo culus ka qarxaan gudaha kismaayo kuwaasi oo sababay geerida 18 ruux oo 13 ka mid ahi yihiin Jahbadda Raaskambooni gaar ahaan dhinaca Axmed Madoobe,waxaana la sheegay in ciidamadii la beesha ahaa Yaasiin Raadeer ay ka safteen dhinaca gaar ah.

Khasaaraha Ciidamadii daacadda u ahaa Col Yaasiin Radeer soo gaarey ayaa la sheegayaa inuu yahay 3 askari oo dhintey isla markaasna waxaa dhawac soo gaarey 2 kale,waxaana dagaalkan ka socdaa Fariisimaha Jabhadda Raaskambooni ee magaalada Kismaayo halkaasi oo ay ciidamada daacada ahaa Yaasiin Radeer  weerar culus ku qaadeen,waxaana la sheegayaa in dagaalkan sababay inay jahbadda Raaskambooni dib uga baxaan fariisimahoodi.

Wararka ka soo kordha kala soco Allgalgaduud

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com