Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalaya Shirka ACP-EU ee Brussels ka socda(SAWIRO)

0

wafdigaLondon(AGGM) Wafdi uu hogaaminayo  gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur IIkar  ayaa ka qeybgalaya Kulanka  Baarlamaanada Wadamada ku Bahoobay ACP-EU ee ka soconaya Magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkan  ayaa markii ugu horeysay waxaa ka qeybgalaya wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii si rasmi ah loogu casuumay, waxaana ka mid ah xubnaha la socdo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka  Jeylaani Nuur Iikar, Gudoomiyaha gudiga arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Mudane  Xildhibaan Maxamuud Cabdi Xasan , iyo Mudane Maxamed Xasan Cawaale oo ah la taliyaha gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana xubnahan maanta ay si rasmi ah u fadhiisteen kuraastii Soomaaliya oo mudo sanado ah banaaneed.

Mudane Jeylaani Nur Iikar Ku xigeenka koowaad ee Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in kulankan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isaga oo si weyn u soo dhaweeyey hanaanka wanaagsan ee loo soo dhaweeyey wafdigii uu hogaaminayey.

Shirweynahan ayaa socon doono mudo sedex cesho ah.

By Abdirahman Hudeyfi

wafdiga

acpcoscosoble