Magaalada Kismaayo Oo Kamid Noqotay Xarumaha Jabhada ONLF.

0

kismaayo21Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in sagaalki bilood ee tagay ay magaalada Kismaayo ku qulqulayeen taageerayaasha jabahada ONLF.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in taageerayaasha ONLF oo huwan shaarka cusub ee taageerayaasha Jubbaland ayaa waxa ay buux dhaafiyeen magaalada Kismaayo.

Taageerayaashan ayaa waxa ay isaga kala yimaadeen dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba, waloow la sheegayo in ciidamada ONLF qaar kamid ah ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo iyagoo ay hubeeysay dowladda Kenya oo looga dhigay inay yihiin maleeshiyaad la soo aruuriyay.

Dhinaca kale saraakiil xiriir ay la sameeysay Warbaahinta AGGM ayaa waxa ay inoo sheegeen in magaalada ay ku sugan yihiin iminka Ganacsato, Aqoon yahano iyo dad rayid ah oo ka kala yimid dalka dibadiisa iyo gudihiisa oo badankood taageerayaal u ah Jabhada ONLF, halka uu sarkaalka noo sheegay in 8 bilood ee la soo dhaafay magaalada iyaguna ku soo qul qulayeen ciidamo ka tirsan jabhada ONLF oo marki ay soo gaareen magaalada Kismaayo agabka ciidan looga qaaday saraakiisha ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaalkan ka gaabsaday magaciisa ayaa waxa kale oo uu sheegay in magaalada ay 4 bilood ee la soo dhaafay tiro sadex jeer ah ay soo gaareen saraakiil ka socota dalka Eritrea  kulamana kula qaatay magaalada Kismaayo Axmed Madoobe iyo Gen. Fartaag, waloow aan la ogeen waxay kawada hadleen.

Sidoo kale waxaa jira warar xaqiiqo ah oo sheegaya in wadaadka mayalka adag ee Xasan Turki uu iminka ku sugan yahay deegaanka Raaskambooni oo maleeshiyada Raaskambooni ay u soo faarujiyeen si isaga uu u soo dago halkaasi, dhawaan ayayna ahayd marki la xaqiiyay in $ 30,000 ilaa $40,000 oo doolar kana mid ah canshuurta laga qaado dekedda Kismaayo in bil walba loo diro Xasan Turki  si tababaro uu ugu soo sameeyo maleeshiyaadka ku soo biiraya Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa waxa ay noqotay magaalo ujeedooyin fara badan oo is diidan ay ka socdaan balse arrintan ah in la hubeeyay ciidamo ka tirsan Jabahada ONLF kadibna lagu biiriyay maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa waxa ay Qatar ku tahay dowladdaha deriska la ah Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com