Doqoni Xargaha Lagu Xirayo Xusulladay Ku Sidataa.

0

gen. fartaag11Sida aad la socotaanba baryahan ayaa waxaa idaacadaha lala taagnaa “Waa In La Maxkamadeeyaa Cidi Ka Dambeeysay Dagaalka Ka Dhacay Magaalada Kismaayo, haddaba hadaan falanqeeyno eryadaas nuxurka ka dambeeya iyo cida la doonayo in la Maxkamadeeyo ee aan weli fahmin dabinada la galinayo.

Dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ee ay ku dhinteen dadka faraha badan ee isugu jiray Maleeshiyaadki dirirtu dhexmareeysay iyo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa waxa ay ku soo aadeen xili uu ka maqnaa magaalada Horjoogaha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Saaxiibkii Sheekh Awlibaax.

Haddaba waayo cida la maxkamadeenayo?

Sidaanu la wada socono labadi garab ee dirirtu dhexmartay waxaa kala hogaaminayay dhinaca Raaskambooniyiinta Gen.Fartaag, iyo Istiin Xasan Baasto,iyadoo sidaa la wada ogsoon yahay baa haddana waxaa leeysugu yeeray niman sheeganaya inay yihiin odoyaal dhaqan waxaana loo meeriyay in la Maxkamadeeyo cidii ka dambeeysay dagaalki Kismaayo iyagoo la dhacay fikirkaasna jawaabtooda waxay noqotay inay sacbiyaan, iyadoo uu qeeyb ka ahaa Maxamed Ugaas Xaashi. Halkan Guji Kana Daawo Video-gaas.

Sida xaqiiqda ah dadka deegaankuna ka marag kacayaan Istiin Xasan Baasto waxa uu ahaa nin difaacayay naftiisa iyo maalkiisa oo ay ku soo duleen maleeshiyada Raaskambooni isaga oo Hotel Baranwaa ku sugan, kadibna aan looga harinee looga daba tagay hooyga uu ka daganaa magaalada Kismaayo, ma dambiilaa mise waa nin difaacay naftiisa iyo Maalkiisa?

Waxaa sidoo kale ah su’aal isweeydiin mudan magaalada Kismaayo markuu Axmed Madoobe ka baxo maxay dagaalada iyo rabshadaha dadka ku geeriyoodaan uga dhacaan? waayose cida dabinka la galinayo amaba su’aalaha la weeydiinayo beri haddii leeys maxkamadeeyo ee hogaaminaya maleeshiyada Raaskambooni?

Waayo Shaqsiyaadka Diidan Geedi Socodka Nabadda Soomaaliya?

Waloow Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah saaxiibadiis ay raad gadanayaan afkoodana aan laga heeyn diidmo ku aadan dowladda Soomaaliya balse waxa ay si foolxuna u isticmaaleen Gen. Faraag iyo Seeraar oo Media-ha la taagan inay Ridiyaan dowladda Soomaaliya iyo ereyo xamaasad xambaarsan qabiili ah, baa haddana waxaa la wada ogsoon yahay inay ku hadlayaan afka iyo fikirka Axmed Madoobe iyo Saaxiibadiis. haddaba waayo shaqsiyaadka cadeeynta lagu hayo oo noqonaya safka koowaad ee la maxkamadeenayo hadiiba ay timaado in leeys maxkamadeeyo?

Waxaa xaqiiqo ah in Axmed Madoobe iyo saaxibadiis qeeyb ka yihiin kooxaha diidan Geedi Socodka Nabadda Soomaaliya mar ay noqotana waxaa hubaal ah in lasoo taagayo Maxakamad caalami ah oo la xiriirta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ay ka geeysteen labada Jubbo ee dalka Soomaaliya.

Akhristoow isku soo wada duuboo Soomaalida waxa ay ku maah maahdaa (Doqoni Xin Mooye, Xisaab Ma Oga iyo Doqoni Xargaha Lagu Xirayo Xusulladay Ku Sidataa) anoo intaaba ulla jeeda dabinada leeysu maleegayay ee ragga qaarkii aysan fahmin balse ay fahmi doonaan markii dubaha korkooda lala soo istaago.

Fiiro Gaar Ah: Haddii aad oran lahayd dadkeenaa la neceb yahay amaba anagaa naloo dan leeyahay, halkaanu kaa celineeynay iyaguna ay kula doonayeen waakaa aad ku dhex jirtaane ka dabaasha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com