Dawladaha Masar Iyo Itoobiya Oo Ku Heshiiyey Arrintii Webiga Nile

0

Flag-Pins-Egypt-EthiopiaAddis Ababa (AGGM) Murankii aadka u balaarnaa oo maalmaha ka dhex oognaa Dawladaha Masar iyo Itoobiya ayaa si wanaagsan maanta loo soo afjaray,waxaana labada dal ku heshiiyeen murankii Webiga Nile ee ka dhex aloosnaa labada dal. Maanta waxaa shir jaraa’id Magaalada Addis Ababa ku qabtey labada wasiir arrima dibeddeed ee dalalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibedda dalka Masar Dr Mohamed Kamal Omar oo maalmaha ku sugnaa Magaalada Addis Ababa isla markaasna kulan la qaadanayey Madaxda Dalka Itoobiya ayaa shaaciyey in murankii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa Labada dal ay soo afmeereen isla markaasna sidii hore ee loo wada isticmaali jirey wabiga Nile loo wada isticmaalo.

Dr Mohamed Kamal Omar Iyo Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Itoobiya Tedros Adhanom oo shir jaraa’id galabta ku wada qabtey magaalada Addis Ababa ayaa sheegey in marka hore wabige Nile sidiisi hore loo wada isticmaali doono marka xigana lagu sameyn doono darasaad ku aadan saameynta biyaha qulqulka ku tagaa dalka Masar ku yeelan karaan hadii biyo ay leexsato dawladda itoobiya.

Labada Masuul Waxa ay hoosta ka xariiqeen in labada dal ay yihiin walaalo, islamarkaasina si nabdoon ku dhamaynayaan wax kasta oo khilaaf ah oo u dhaxeeya.Waxaana ay sheegeen inaysan jirin wax colaad ah oo ka dhex abuurmi karaa labada dal ee walaalaha,waxaana ay shaaciyeen inay ka wada shaqeyn doonaan arrimo badan.

Ugu dambeyntii Heshiiskan labada dal maanta kala saxeexdeen ayaa noqonaya mid baajiyey dagaal lagu hoobto oo ka dilaaca Afrika maadama labada dawladood yihiin laba dawladood oo awood leh isla markaasna dagaalami kara,waxaana laga cabsi qabay in dagaalo dhex mara Masar iyo itoobiya dhibaato ka soo gaarto dalka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com