Dagaalkii Oo Istaagay Iyo Xiisadda Kismaayo Oo Aad U Kacsan

0

Ciidamo11Kismaayo(AGGM) Dagaalo Muddo kooban socday oo u dhexeyey ciidamada Jabhadda Raaskambooni oo laba garab u kala jabay ayaa la sheegayaa inuu hadda qaboobay isla markaasna uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh,waxaana dagaalkaasi uu dhexmarey  labada garab oo kala ah kuwa Axmed Madoobe & kuwa daacad u ah  Col Yaasiin Radeer oo ahaa ku xigeenkii Kmg ahaa ee Axmed Madoobe.

Dagaalkan ayaa ka dhacay isgoyska Aargada waxaana uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac soo kala gaaray,waxaana la sheegaya in dagaaladaasi ay ku geeriyoodeen tiro badan oo labada dhinac ah iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale,waxaana la xaqiijiyey in dagaalkaasi iskiisu u istaagay mar dhaw.

Waxaa dagaalkan yimid ka dib markii ciidamada axmed madoobe qaar ka tirsan dhaawac u gaarsiiyeen Col Yaasiin radeer oo la dhinac ahaa raaskambooni ka dib markii uu damcay inuu qaado isbaaro ay dhigteen koox ka tirsan jabhadda raaskambooni,waxanaa la sheegay in rasaas ay soo fureen uu ku dhaawacmay Col Yaasiin Radeer iyo  Sarkaal kale oo la hayb ah Axmed Madoobe laguna Magacaabo Cabdulaahi khaldaan.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa kacsan waxaana la sheegay in ciidamadii u daacadda ahaa Col Yaasiin Radeer ay farisiimo cusub ka sameysteen gudaha magaalada kismaayo isla markaasna ay ka careysan yihiin dhaawaca sarkaalkooda loo geystey,waxaana la sheegayaa inay wadaan abaabulo dagaal oo ka dhan ah dhinaca Axmed Madoobe.

Ugu dambeyntii Waxaa magaalada kismaayo ku soo badanaya  Fariisimaha Maleeshiyooyin aan cidna ka amar qaadan,waxaana laga cabsi qabaa in dagaalo culus ka dhacaan magaalada kismaayo kuwaasi oo kala ujeedooyin duwan leh. Waxaana arrintaasi aad uga xun shacabka magalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com