Col Yaasiin Radeer Oo La Keenay Nairobi Iyo Xaaladiisa Oo Soo Hagaageysa

0

yaasiin-nuur-gaas888888Kismaayo(AGGM) Xaalada Col Yaasiin Nuur Gaas ( Col Radeer) ayaa ah mid soo hagaageysa,waxaana mardhaw la keenay Magaalada Nairobi halkaasi oo lagu daawayn rabo,waxaana la sheegayaa in dhaawaciisu uu yahay mid aad u soo raynaya marka la barbar dhigo markii maanta dhaawacu soo gaaray oo uu xaalad adag galay.

Col Yaasiin Radeer waxaa maanta dhaawac soo gaarsiiyey koox ka tirsan jabhadda raaskambooni oo uu isagu ka tirsanaa,waxaana la sheegay inuu damcay inuu ka qaado isbaaro ay dhigteen wadada gasha dekedda halkaasi oo ay ku doonayeen inay lacago baad ah kaga qadaan gaadiidka galay dekada kana soo baxa.

Xaalada sarkaalkan ka tirsan jabhadda Raaskambooni ayaa caawa la sheegaya inay tahay mid aad u wanaagsan isla markaasna ay wali fadhido xabadii ku dhacday taasi oo kaga dhacday ISHA hoosteeda,waxaana la sheegaya in wali xabadii ku jirto isla markaasna aysan ka bixin oo dhex fadhido.

Isbitaal ciidamada kiiniya ku leeyihiin Magaalada Kismaayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha ayaa la tacaalayey xaaladiisa caafimaad,waxaana ay ku guuleysteen inuu ka baxo Koomadii uu ku jiray isla markaasna uu soo miyirsado,waxaana caawa dhaawaciisa la soo gaarsiiyey isbitaal ka mid ah kuwa Magaalada Nairobi.

Dhinaca kale waxaa wali ka taagan gudaha Magaalada Kismaayo Xiisado dagaaal oo iyadoo caawa Isbitaalka Magaalada Kismaayo nawaaxigiisa lagu dilay laba askari oo ka tirsan kooxda Raaskambooni isla markaasna laga qaatey qoryihii ay wateen,waxaana magaalada ka jirta xiisad dagaal iyadoo magaaladu u kala xiran aag aag kooxo kala feker ahi ku kala sugan yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com