Ciidamada Amisom Oo Maanta Qarax Lagula Eegtey Magaalada Kismaayo

0

qaraxmiin0Kismaayo(AGGM) Ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada kismaayo gaar ahaan kuwa dawlada kiiniya ayaa maanta qarax miino lagula eegtey Xaafada VIA AFMADOW ee magaalada kismaayo,waxaana la sheegeyaa in qaraxaasi sababay geerida dhawr askari oo ka tirsan ciidamadda dawlada kiiniya iyadoo dhaawac soo gaarey dhawr kale.

Ciidamadan qarax lala eegtey ayaa la sheegey inay wado dhex marta Xaafada Via Afmadow mareyeen isla markaasna inta badan adeegsan jireen,waxaana la sheegayaa in qaraxan lala beegsadey ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan kismaayo uu ahaa mid ka meelaha fog fog laga hago.

Shacabka ku dhaqan xaafada Via Afmadow ayaa shaaciyey in qaraxaasi ahaa mid culus isla markaasna ciidamada kiiniya lala beegsaday,waxaana ay sheegeen in ciidamada dawlada kiiniya rasaas dhinac kasta u fureen taasi oo la sheegey inaysan geysan wax khasaare.

Sidoo kale waxaa ay shacabku sheegeen inay indhahoodu qabanayeen askar ka tirsan ciidamada kiiniya oo dhulka daadsan isla markaasna ay ciidamo kale oo dawlada kiiniya ka tirrsan ay dul taagnayeen,waxaana la aaminsan yahay inay qaraxaasi ku dhinteen dhawr askari oo ka tirsan ciidamada dawlada kiiniya iyadoo dhaawac soo gaarey tiro kale.

Ugu dambeyntii qaraxan ayaa ahaa kii ugu horeyey ee ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada kismaayo laal beegsado iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo ciidamada Amisom ee kismayo ku sugan loogu geystey gudaha magaalada Kismaayo,waxaana talaabadan imaanaysaa iyadoo xiisado ka taagan yihiin magaalada kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com