Masuuliyiin Ka Tirsan Maamulka Galmudug Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday Maanta

0

CIIDAMO-KISMAAYOGalkacayo(AGGM) Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa la sheegay inay maanta ka badbaadeen isku day dil oo ay la damacsanayeen maleeshiiyooyin hubeysan oo jidgooyo u dhigtey Wado ay ku safrayeen,waxaana la sheegey inay halkaasin ka dhacday is rasaaseyn culusi.

Mudane Maxamuud Maxamed Cali oo ah Gudoomiyaha Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa daboolka ka qaaday in koox dabley ah oo hubeysani rasaas culus ku fureen isla markaasna jidka u galeen,waxaana uu gudoomiyuhu shaaciyey in ilaaladii la socotey saraakishooda ay jawaab ka bixiyeen tacshiirada kooxdaasi soo fureen.

Gudoomiyaha Degmada Hobyo ayaa shaaciyey inay xilliga weerarkaasi dhacayey ay kormeer ku mareyeen degaanada waxaana uu sheegey inaysan ka fileyn in koox burcad ahi jidka gashay,waxaana uu sheegey in ciidamada amaanka Galmudug ku daba jiraan kooxaha hawlahaasi fuliyey isla markaasna soo qaban doonaan sida ugu macquulsan,waxaana uu sheegey inaan wax khasaare ahi ka soo gaarin weerarkaas.

Waxaa weerarkan ku soo beegmayaa xili uu maanta Magaalada Muqdisho gaaray Madaxweynaha Maamulka Galmudug Jeneraal Cabdi Qaybdiid Cawaale isagoo sheegey inuu Muqdisho u tagey sidii uu uga qayb qaadan lahaa shirka dib u heshiisinta shacabka soomaaliyeed iyo maamul u sameynta degaanada aan maamuladda lahayn.

Si kastey ahaataba waxaa weerarkan imaanayaa xilli dhawaan gudaha degmada Hobyo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Amaanka Maamulka Galmudug kaasi oo ay dileen dabley hubeysan isla markaasna lagu tilmaamay inay u dileen aano qabiil inkastoo dableydaasi gacanta lagu soo dhigay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com