Madaafiic Xalay Alshabaab Ku Tuureen Madaxtooyada Oo Shacab Ku Dhaawacmeen

0

madaafiicMuqdisho(AGGM) Madaafiic Hoobiyeyaal ayaa xalay mar kale lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo madaafiicdii xalay ahaayeen kuwo kooban. Waxaana la aaminsan yahay in faalagada Alshabaab weeraradaasi soo qaadeen isla markaasna u adeegsadeen hoobiyeyaal.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ku dhaawacmeen hooyo iyo caruurteeda oo madfac ugu soo dhacay hoygooda oo ku dhawaa nawaaxiga Madaxtooyada, Madaafiicdan ayaa la sheegey inaysan ku dhicin guri ka tirsan Madaxtooyada balse waxaa la aaminsan yahay in Alshabab la beegsanayeen xarumaha madaxda dawladda.

Mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay meel u dhow Guriga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo saaka dadka ku dhaqan degmada Wardhiigley ay wax iska weydiinayeen madaafiicdii xalay. Weerarkan Alshabaab ayaa noqonaya kii labaad ee sanadkan gudihiisa ay ku soo qaadaan Xarunta Madaxtooyada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay markii ay dhagahooda ku soo dhaceen madaafiicda ay argagagax gashay, isla markaana hurdada ka salaleen. Waxaana la sheegey in dadku guryaha ka soo baxeen isla markaasna qay maqleen madaafiicda iyo hugunka ay tuurayaan Alshabaab. Ma jiraan ciidamo dawlada ka tirsan oo ka jawaabay weerarkaasi,waxaana la sheegey in Raisalwasaaruhu ku wargeliyey inaysan hal xabad ridin isla markasna shacabku khasaare ka soo gaarayo.

Ugu dambeyntii bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii madaafiic lagu garaacay Madaxtooyada, xilli uu ku sugnaa Madaxweynaha Soomaaliya, hase ahaatee xalay Madaxweynaha dalka waa uu ka maqnaa. Weerarkan waxaa madaxda dawlada ku tilmaaman inay tahay in Alshabaab sheegayaan inay joogaan muqdisho balse aysan ku haysan wax awood ciidan ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com