Idaacad Cusub Oo Kismaayo Laga Furay & Madaxweyne Bare Oo Furintaankeeda Lagu Soo Dhaweeyey

0

Bare-HiiraleKismaayo(AGGM) Madaxweynaha Maamulka Jubaland Col Bare Aadan Shire ayaa maanta si rasmi ah u furay Idaacad cusub oo Magaalada Kismaayo laga hirgaliyey Idaacadaas oo la sheegey in laba dhegeysan doono Guud ahaan labada gobol ee Jubooyinka,waxaana la sheegey in idaacadaasi tahay mid cusub.

Madaxweynaha  Maamulka Jubbaland oo caawa ka hadlayey idaacadaasi oo lagu magacaabo Radio Jubba,waxaana furintaankaasi ka hadlay caawa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” waxaana Madaxweynuhu umadda jubooyinka ugu hambalyey idaacada cusub oo laga wada dhageysan doono gobollada Jubadda Dhexe iyo jubbada Hoose.

Madaxweyne Bare Aadan Shire waxaa kale oo uu amaan u jeediyey dhamaan dadkii idaacadaasi furitaankeeda ka qayb qaatey,waxaana uu sheegey inay dabooleen baahida shacabka soomaaliyeed ee ku nool gobollada Jubooyinka,waxaana uu sheegey in dhamaan shacabka ku dhaqan goboladdaasi ay wararka guud ee dalka iyo dibedda ka baahi beeloi doonaan.

Dhinaca kale waxa Madaxweynuhu ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey in Xaalada Magaalada Kismaayo ay tahay mid degan isla markaasna ay amaankeeda ku dadaalayaan sidii loo xaqiijin lahaa,waxaana uu shaaciyey inay cidamadda amaanku ku hawlan yihiin sidii amaanka loo xaqiijin lahaa.

Dhinaca kale waxaa  Idaacada cusub si weyn u soo dhaweyey shacabka goboladaasi oo sheegey in idaacadaasi tahay mid loo baahnaa isla markaasna ay u mahadnaqayaan shacabkii soomaaliyeed ee hirgaliyey iidaacadaasi,waxaana ay sheegeen inay buuxin doonto baahida war la,aanta dadka haysay.

Ugu dambeyntii waxaa idaacadan furitaankeedu imaanayaa xilli ay idaacad kale oo Radio kismaayo la dhaho ka furan tahay isla markaasna ku kooban dhageysigeedu  gudaha magaalada kismaayo,balse waxaa la sheegayaa in idaacadan caawa guud ahaan inta badan gobollada Jubadda dhexe iyo Jubadda Hoose  laga dhageysanayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com