Ciidamada Iftiin Xasan Baasto Oo Caawa Hawlgallo Ka Wada Xaafado Ka Mid Ah Kismaayo

0

sssKismaayo(AGGM) Ciidamada daacadda u ah Iftiin Xasan Basto ayaa caawa hawlgallo ciidan oo culus ka wada xaafadaha ay maamulaan,waxaana ciidamadaasi la sheegayaa inay guryaha qaarkood baarayaan isla markaasna ay sheegeen inay ka hortagayaan falal amaan darro oo ka dhaca xaafadaha ay maamulayaan.

Taliyaha ciidamada Iftiin Xasan Baasto oo lagu magacaabo Col Cabdi Ibraahim Waraabe  oo saxafada la hadlay ayaa shaaciiyey in ciidamadoodu wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan amaanka,waxaana uu sheegey in hawlgalkan uu noqon doono mid joogto ah isla markaasna ay kaga hortagayaan falal amaan darro.

Dhinaca kale waxa uu sheegey inay falal amaan darro wadaan Jabhadda Raaskambooni,waxaana uu sheegey inay ka hortagayaan falal Amaan darro oo ay wadaan Jabhadda raaskambooni,waxaana uu sheegey inay talaabo ka qaadayaan cid kasta oo isku dayda inay falal amaan darro magaalada ka sameeyaan.

Col Ibraahim Waraabe waxaa uu sheegey inuu yahay taliyaha ciidamada Maamulka Jubaland gaar ahaan dhinaca Iftiin Xasan Baasto u sheegto inuu madaxweynaha Yahay,waxaana uu sheegey in ciidamadoodu ay shalay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan kuwa raaskambooni oo falal amaan darro ka waday xaafada calanley,waxaana uu sheegey inay dhawr ka mid ah wali ciidamadoodu gacanta ku hayaan.

Si kastey ahaataba hadalkan ayaa imaanaya xilli Horjoogaha Raaskambooni uu ka maqan yahay Magaalada Kismaayo isla markaasna u dhoofay Magaalada Addis Ababa halkaasi oo uu ka leeyahay dano isaga u gaar ah. Dhinaca kale waxaa muuqata in xaalada magaalada kismaayo aysan wali dhinac u dhicin isla markaasna ay ku wada sugan yihiin maleeshiyooyin hubeysan oo kala tageersan 6 madaxweyne.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com