Ciidamada Dawlada Oo Degmada Hodan ka Wada Baaritaano Culus

0

Baaritaano-Xoogan_11-620x330Muqdisho(AGGM) Ciidamada ammaanka ee dowlada ayaa saaka howlgalo dad lagu soo qabqabtay ka wada xaafado ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka dib markii kooxda Alshabaab xalay weeraro ku soo qaadeen xarunta madaxtooyada iyadoo weeraradaasi loo adeegsaday hoobiyeyaal.

Howlgalkan oo bilowday waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa fulinaya cutubyo ka tirsan ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadsugidda,  kuwaas oo guri guri u baarayay xaafadaha ay howlgalka ka wadaan. Hawlgalkan ayaa ah mid u socda si habsami leh isla markaasna ciidamada dawlada oo is garabsanayaa ay ku baacsanayaan haraadiga Alshabaab ee ku dhumaalaysanaya magaalada muqdisho.

Ciidamada ayaa xiray dhamaan wadooyinka,  iyagoo hakiyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiika, waxeyna baarayaan cid kasta oo ay ka shakiyaan. Ciidamada ayaa baaraya cid kasta oo wadooyinkaasi adeegsanaya waxaana la waydinayaa su,aalo dhawr ah oo ku aadan kooxda falaagada ah ee Alshabaab.

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Dhabaneey ayaa saxafada u  u sheegay in howlgalkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka degmada, isagoo intaa ku daray in howlgalkan lagu soo qabqabtay dhalinyaro farabadan oo la rumeysanyahay iney ku lug lahaayeen falal amnidarro.

Dhinaca  kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaasi la qabqabtay la kala saari doono ciddi dambi lagu waayana la sii deyndoono, Saraakiisha ammaanka ee dowladana ilaa iyo hadda kama aysan hadlin howlgalkan saaka ka socda degmada Hodan.Waxana gudomiyuhu sheegey Alshabaab ay ku dhumaalaysanayaan dadka shacabka ah isla markaasnaa ay doonayaan inay shacabka dhibaan,waxaana uu sheegey in dawladu gacan bir ah ku qaban doonto cid kasta oo Alshabaab ah iyo kuwa tageersan.

Si kastey ahaataba waxaa hawlgalkan saaka bilaabmayaa xilli Alshabaab xalay hoobiyeyaal ku tuureen xarunta madaxtooyada xilli dadku hurdeen,waxaana la sheegayaa in madaafiicdaas waxyeelo ka soo gaartey dad shacab ah oo ku dhaw xarunta madaxtooyada,waxaana la sheegaya in dhawr ruux ku dhaawacmeen oo shacab ahi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com