Alshabaab Oo Saxafada U Bandhigey Hub Iyo Saraakiil Ay Ka Qabsadeen Dawlada Kiiniya ( Sawiro)

0

dhama-jale_3Falaagada Al-Shabaab ayaa meel ka mid Koofurta Soomaaliya ku soo bandhigtay labo sarkaal Kenyan ah, Hub iyo qalab isgaarsiin, kaasoo ay ku soo qabsatay dagaal bishii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dhamajaaley ee Gobolka waqooyi bari Kenya halkaasi oo ciidamada Alshabaab la wareegeen gacan ku haynteeda Muddo kooban.

Barta Twitter-ka Al-Shabaab ee HSMpress1 ayaa lagu soo bandhigay labada nin, hub u badnaa qoryaha fudud, rasaas iyo qalabka Isgaarsiinta, Waxaana Alshabaab ku faaneen inay hubkaasi iyo saraakiishaas ka soo qabsadeen gudaha wadanka kiiniya isla markaasna ay sii wadi doonaan dagaalada ay ku qaadaan gudaha dalka kiiniya.

Xoogag ka tirsan Faalagada Shabaab ayaa 25-kii bishii May weerar ku qaaday saldhig ku yaalay deegaanka Dhamajaaley oo ay ku dileen ciidamo ka tirsan Kenya, iyadoo weerarkaas uu ahaa kii ugu xumaa ka dhaca xuduuda isla markaasna dawlada kiiniya looga wareego degaanka Dhamaajaale oo saacado badan Alshabaab maamulkeeda gacanta ku hayeen.

Faalagada Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhiga, hub, gaari xamuul ah iyo agabto kale oo ay ku jireen dhar oo ay ka soo qabsadeen meel u dhow deegaanka Mustaxiil ee dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay dagaal ku qaadeen. Alshabaab ayaa sheegeysa inay sii xoojinayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada dawlada kiiniya ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya & xitaa weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka kiiniya.

Ugu dambeyntii Faalagada  Al-Shabaab ayaa horay gacanta ugu hayay maxaabiis Kenyan ah oo isugu jiray saraakiil iyo dad kale oo u shaqeeyay maamulada deegaanka ee gobolka Waqooyi Bari Kenya. Kooxdan Alshabab ayaa ah kuwo falal kala duwan ka fuliya gudaha dalka kiiniya kuwaasi oo ay ku dileen shacab iyo askar ka tirsan dawlada kiiniya.

dhama-jale_4dhama-jale_3dhama-jale_1dhama-jale_2