Xaalada Hunsungow Oo Xasiloon Ka Dib Dagaalo Culus Oo Ka Dhacay Shalay

0

KONICA MINOLTA DIGITAL CAMERAKismaayo(AGGM) Xaalada Degaanka Hunsungow ayaa saaka aad u xasiloon,waxaana la sheegayaa inaysan jirin wax dagaal oo u dhexeya ciidamada dawlada iyo kuwa jabhadda Raaskambooni,waxaana labadii ciidan ee dagaalamay wali ku kala sugan yihiin farsimihii ay ku dagaalameen isla markaasna dadka degaan ayaa waanwaan ka dhex wada.

Ciidamada dawlada iyo kuwa Raaskambooni ayaa ku dagaalamay ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Raaskambooni loo qaybiyey dhaqaale isla markaasna kuwa dawladu sheegeen inaysan halkaasi ku sii sugnaan doonin isla markaasna ay gaarayaan magaalada Kismaayo oo ay ka baxayaan farisiimaha ay kaga sugan yihin degaanka Hunsungow.

Markii intaasi dhacday markiiba waxaa qarxay dagaal culus oo u dhexeyey labada dhinac kaasi oo sababey geerida in ka badan 14 kasri oo labada dhinac ah,waxaana dhaawacyo halis ahi soo gaareen tiro kale oo badan kuwaasi oo la sheegayo in loo kala qaaday Dhoobley iyo magaalada kismaayo halkaasi oo xaaladooda lagu daawaynayo.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan baarlamanka soomaaliya ayaa dawlada kiiniya ciidamadeeda ku tilmaamay in ciidamadasi u kala hiiliyeen isla markaasna ay la safteen dhinaca jabhada Raaskambooni markii dagaalkaasi looga awood roonaaday isla markaasna laga gubay laba ka mid ah gaadiidka dagaalka,waxaana ciidamada kiiniya Madaafiic ku soo garaaceen farisimaha ciidamada dawlada soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji waxaa uu eedeyn u jeediyey ciidamada kiiniya isagoo sheegey inay garab siinayaan jabhad aan xeel dagaal aqoon isla markaasna marka ciidamada dawladu dagaalada ka awood roonadaan ay madaafiic ku tageerayaan,waxaana uu sheegey in Kiiniya mawqifkeeda cadaysay ku aadan tageerada Jabhadda Raaskambooni.

Si kastey ahaataba ciidamada dawlada soomaaliya ee Hunsungow ku sugan ayaa la sheegey inay iska caabiyeen weerarada uga yimi ciidamada kiiniya iyo kuwa Jabhada Raaskambooni,waxaana la sheegey in dagaalkii shalay ay iyagu ku awood bateen isla markaasna khasaare hantiyeed iyo mid maal oo badan soo gaarsiiyeen jabhadda Raaskambooni.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com