Kulanka Waxgaradka Beesha Sade Ee Waamo Oo Kismaayo Uga Socday Oo Galay Maalintii Labaad

0

kismaayo8Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo waxaa kulan muhiim ahi uga socdaa waxgaradka Beesha Sade ee Waamo kuwaasi oo hore u cadeeyey mawqifkooda ku aadan jabhadda raaskambooni,waxaana hore u sheegeen inaysan tageersaneyn kooxda ay hor joogaha u yahay Axmed Madoobe.

Kulankan waxaa ku kulmaya waxgaradka gobollada Jubooyinka ee Beesha Sade oo kaliya balse waxaa goob joog ah ka qaar ka mid ah kuwa gobolka Gedo,balse waxaa la sheegayaa inay dhageystayaal ka yihiin kulanka u socda waxgaradka gobollada Jubooyinak Ee Beesha Sade.

Kulankan oo ah mid looga hadlayo Aayaha Beesha Sade ee gobollada Jubooyinka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha kala gedisan ee gobolku ku jiro isla markaasna beeshu ka tashaneyso sida ay u wajahi doonaan xaaladaha cakiran ee ka taagan gobolka Jubadda hoose oo ay degan yihiin.

Kulankan oo hadda maalintii labaad ka socda Magaalada Kismaayo ma jiraan wax wara oo ay ka soo saareen  Waxgaradku isla markaasna waxaa lagu wadaa in kulankaasi sii socon doono Labada maalmood ee soo socda lagana soo saari doono war murtiyeed ku aadan sidii xaaladaha jubooyinka ee cakiran loo wajahi laha,waxaana lagu wada in kulankaasi soo afmeermo maalmaha soo socda.

Si kastey ahaataba Waxgaradka gobolada Jubooyinka waxay hore uga hadleen mawqifkooda Magaalada Kismaayo iyo degaanada ku dhaw dhaw oo ay ku tilmaameen inay dawlada soomaaliya xaq buuxa u leedahay sidii Maamul loogu sameyn lahaa gobolladaasi,waxaana muuqata in wali mawqifkoodii uu taagan yahay halkiisii hore.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com