Kooxda Alshabaab Oo Dhaqaale Badan Lagala Baxsaday

0

Militants of al Shabaab ride on pick-up trucks after displaying their weapons on the outskirts of MogadishuMuqdisho(AGGM) Masuul ka tirsan Shabaab oo la goostay Lacago Boqolaal Kun oo dollar ah. Masuulkan Oo lagu magacaabo Macallin qadar oo Masuul ka ahaa qaybta Dhaqaalaha ee isbaaro taala Degmada Mahadaay ayaa waxa uu kala goostay Maleeshiyaadka kooxda shabaab lacag gaaraysa $300.000/ Seddex boqol kun dollar.

Macalin Qadar ayaa waxa uu ku sugnaa Degmada Mahaday Ee gobalka Sh/dhexe, ilo ku sugan Deegaanka ayaa noo xaqiijiyay in lacagaha uu la goostay ay ahaayeen Canshuuro baad ah oo laga qaadi jiray Gaadiidka mara Wadada ee u safra Gobalada kale ee dalka,

“Waxay ka qaadaan Halkii gaari oo aysan ku jirin rarka saaran lacag gaareysa  Toban Milyan oo Sh Soomaali ah Halka ay Halkii Loor oo saran gaarigii ay ka qaadaan lacag dhan Boqol kun oo sh Soomaali ah’ ayuu Yiri Goob jooge ku sugan Deegaankasi.

Halkaas waxaa ka soo xeroota lacag fara badan oo uu Horjooge Macalin Khadar haye,  horjoogaha ayaa la sheegay in uu markii hore gaaray Degmada Jalalaqsi oo xarun u ah maleeshiyaadka ku sugan Mahdaaay kadib markii laga saaray Degmada Jowhar.

Horjoogaha ayaa safar ku maray Buula Barde, Wuxuuna uga sii gudbay B/weyne Waxaana la sheegay in uu gaaray Degmo ka tirsan galgaduud.

Waxaa dhashay kala shaki iyo is aamin la’aan soo kala dhex galay Horjoogayasha haraadiga ku ah Gobalka ee uu hogaamiyo Kaba ku dukade.Horjoogaha haraadiga Shabaab ee gobalka ayaa dacwad u diray horjoogayaasha shabaab ee kala jabay Waxayna u sheegeen in hantidii uu dhacay qadar laga doonayo kaba ku dukade, balse wuuu ku gacan sayray Horjooge kuba ku dukade Wuxuuna sheegay in ay iyagu soo magacaabeen Horjoogaha Dhacay lacagihii baadda ahaa ee Safarka looga qadaye Waddooyinka ay joogaan Haraaga Shabaab.

Ugu Dambeyntii tani ma ahan markii ugu horreysay ee shabaab lagala goosto lacago iyo Hub, Waxaa hore uga goostay Horjoogayaal badan oo hore u sii qaatay Lacago iyo hub fara badan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com