Kismayo Daqiiqad Qaadan Meysee -Armaad Garowe Iyo Buuhoodle Difaacan Weysaan? By Ahmed Abdi Macow ( Basbaas)

0

waxyeelo-150x150Muqdisho (AGGM) Hawiyahii hurdada dheer ku jiray hubaal waa kaceen maanta,waxaanse aad uga helay hadal uu Gaashaanle Nuur Qeyd ka yiri Dood ka baxday Universal Tv ,taas oo ahayd “Hadaan Kismaayo Ciyaarta laga dhaafin,Dad dagaal u ciilqabaan arkaaye,Shisheeyahu hanaga baxeen,aan isku soo noqono,mar labaad salka aan dhigno”

Micnaha aan isku soo laabano,salka aan u dhigno,waa dhambaal culus,waxayna kelmadaas ku socotay Beesha Majeerteen Iyo Dhulmahante maxaa yeelay dagaalkii Nus qiyaamo ee beelweynta Hawiye ku qabsadeen ilaa Burtinle waxaa la moodaa inuu wali jiro kibir qooqii sababay.

Taariikhda ma dhicin colaad u dhaxeysa Ogaadeen iyo Hawiye,hadana dan badan lagama laha oo kuwooda jooga Jubooyinka waxay ku noolaan doonaan xoriyad,kuwa ka soo duulay Kililka Shanaad iyo NFD ,daqiiqad qaadan meyso in Kismayo laga qabto hadii Kakuuyada ka baxdee,waxay su-aashu tahay beesha Majeerteen ma difaacan doonaan Garowe.

Maadama aan joogay dagaalkii Nus qiyaamo,waxay saadaasheeydu tahay in Garowe lagu gaari karo ugu badnaan gelin dagaal maxaa yeelay safka maanta waxaa ku jira beelweynta Mareexaam oo Galgaduud degan.

Faalada kooban ee xikmadeedu tahay aan isku saalabano,waxaan uga tegayaa erayo ka mida hees aan ka sameeyay Jubooyinka taas oo tuduc ka mida leedahay:-

Kismaayo si loo jaraa
Jariiban miyaa dagaal
Gaarisa u jaawisoo
Jigjiga jiib looga tumay
————–
Jubooyinka guuri maayaan
Shisheeyahu joogi maayaan
wixii hore loogu jabay
Alloow yaa ka jooga maanta

By Ahmed Abdi Macow (Bas Baas)

Xigasho: Allcaasimada.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com