Gudoonka Baarlamaanka Oo Maanta Ka Qeybgalay Geedi Socodka La Tashiga Dadweynaha Ee Dastuurka Oo Lagu Marti Qaaday Qeybaha Bulshada ( Sawiro)

0

DSC05648Muqdisho(AGGM) Ardayda iyo macalimiinta Jaamacadaha Dalka, Cuuryaamiin,Haweenka Soomaaliyeed,Ururrada Bulshada Rayidka, Ganacsato,Culumaa’udiin iyo marti sharaf ka socotay beesha Caalamka ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka uga qeybgalay Geedi socodka la tashiga dadweynaha ee Dastuurka.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen gudiga la socodka,dib u eegista iyo dhaqan gelinta Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa waxaa shir gudoominayey Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayadoo kulankana ay sidoo ka qeybgaleen intabadan xubnaha gudiga Dastuurka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka qaarkood.

Bilowgii kulanka ayuu Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa uga mahad celiyey hadal kooban oo uu jeediyey kasoo qeybgalayaashii ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada sida ay uga jawaabeen marti qaadkii Baarlamaanka gaar ahaanna gudiga Dastuurka waxaana uu si rasmi ah u furay kulanka wadatashiga.

Gudoomiyaha gudiga la socodka,dib u eegista iyo dhaqan gelinta Dastuurka Marwo Maryan Cariif oo khudbad ka jeedisay kulanka ayaa ugu horeyn u sharaxday qeybihii bulshada ee ku sugnaa xarunta Golaha Shacabka qorshe howleedka gudiga waxaana ay xustay in gudigooda ay mar walba la tashanayaan shacabka Soomaaliyeed,aragtida iyo talooyinka shacabkana ay tahay mida ay ku shaqeynayaan ilaa Dastuurka uu ka gaaro heer ay shacbiga Soomaaliyeed u codeeyaan.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna khudbad dheer kulanka ka jeediyey ayaa kasoo sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee Dastuurku soo marayn waxaana uu xusay in maanta marxalada la joogo oo ah marxalad aad loogu farxo shacab iyo Baarlamaan wadatashanaya islamarkaana wadashaqeynaya ay tahay marxalad ay shacabku ku gudanayaan kaalintooda kaga aadan aayaha Dalkooda oo wixii ay wanaag u arkaan ay dooran karaan waxa kalena ay diidi karaan.

Xubno ka tirsanaa dhinacyada ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada oo iyaguna intii kulanka uu socday fursad u helay iney fikirkooda dhiibtaan ayaa waxey hoosta ka wada xariiqeen iney aad ugu faraxsanyihiin in maanta lagala tashto aayahooda waxaana ay Ballan qaadeen iney si hagar la’aan ah u garab istaagi doonaan Dowladooda.

Gebagebadii kulanka ayaa Gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka waxey shacabkii kala duwanaa ee kulanka ka qeybgalay kala wareegeen aragtiyo qoraallo ah ayadoo talaabadanna ay muujineyso sida uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya had iyo goor ugu taaganyihiin iney Shacabka si joogta ah ugu xirnaadaan oo ay taladooda ku shaqeeyaan.

—-DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

DSC05484DSC05497DSC05481DSC05486DSC05511DSC05520DSC05546DSC05582DSC05611DSC05648