Ciidamada Dawlada Ee Gobolka Gedo Oo Wacad Ku Maray Inay Alshabab Ka Saarayaan Degaano Badan

0

dagaal6Kismaayo(AGGM) Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ayaa ka jira qeybo ka mid ah Gobolka Gedo, halkaasoo saacadihii u dambeeyay laga dareemay, iyadoo ciidamada dowladda ay ku guda jireen diyaar garowgii u dambeeyay oo ay doonayaan in Al-Shabaab uga saaraan deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Wararka laga helayo Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay soo gaareen deegaan qiyaastii 9-KM u jira degmada Buurdhuubo oo ay ku sugan yihiin Xoogaga Shabaab,Waxaana la xaqiijinayaan in Alshabaab halkaasi doonayaan ina si nabad ah uga baxaan maadama ciidamo ka awood badani ku soo wajahan yihiin.

Ciidamada ayaa ka soo dhaqaaqay saldhig ay ku lahaayeen degmada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo, waxaana deegaanada qaar ee gobolka xilligan ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka duwan kuwii horay loo arki jiray. Ciidamada dawlada ayaa u muuqada kuwo doonaya inay Alshabaab xillgian ka xoreyaan degaano badan oo Alshabab gacantooda ku jira.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa diyaar garow ballaaran ka wada degmada Buurdhuubo, iyadoo dadka deegaanka ay la soo deristay cabsi ku aadan dagaalo halkaas ka dhaca balse waxaa la sheegayaa in Alshabab ciidamadooda iyo hubkooda diyaarsadeen si ay halkaasi ugala baxaan maadama ciidamada ku wajahan ka awood badan yihiin.

Ugu dambeyntii inta badan deegaanada Gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, halka labo degmo oo kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Waxaa Muuqata in la gaarey xilligii ciidamadda dawladu ay Alshabaab ka faro maroojin lahayeen degaanada ay Maamulayaan ee gacantooda ku jira.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com