Xog Dhab Ah: Axmed Madoobe Oo Alshabab Ku Wareejiyey Jariisada Raaskambooni & Xasan Turki Oo La Keenay

0

17921Kismaayo(AGGM) Wararka laga helayo degaanka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay halkaasi si nabad ah ula wareegeen Alshabab sidii warbaahinta Allgalgaduud maalmo ka hor idiin ku wargelisay,Baaritaan dheer oo ay Sameysay Allgalgaduud waxaa lagu ogaadey in halkaasi ay si nabad ah u wareejiyeen kooxda Raaskambooni isla markaasna u gacan galiyeen masuulkii hore halkaasi u Maamuli jirey ee Lagu Magacaabi Jirey Shiikh Xasan Turki.

Shiikh Xasan  Turki ayaa ah nin da,a isla markaasna sanadihii ugu dambeyey ay la soo darseen xaalado caafimaad oo daran,waxaana la sheegayaa in Kooxda Raaskambooni si rasmi ah ugu wareejiiyeen Alshabaab ka dib markii ay dhinaca telefoonka ku wada hadleen Axmed Madoobe iyo Masuul ka tirsan Alshabaab oo magaciisa lagu sheegey Shiikh Cabdiraxmaan  Xudeyfa oo ah ninka Bukaanka Xasan Turki gacanta ku haya.

Shiikh Cabdiraxmaan Xudeyfa ayaa lagu sheegey inuu Axmed Madoobe la soo xirirey isla markaasna ku wargeliyey in Degaanka Shalaambood oo lagu hayey Xanuunka Shiikh Xasan Turki ay noqotey meel aan amaankeeda laysku haleyn karin isla markaasna ka codsadeen inay halkaasi ka baxaan ciidamada Raaskambooni si loo keeno Xasan Turki,waxaana kale oo uu sheegey in hawdka Jasiirada Raaskambooni tahay meel ku haboon in Xasan Turki oo ka mid ah dadka mareykanku aadka u raadinayaa lagu qarin Karro.

Ka Bixitaankan ayaa la sheegey inay timid ka dib markii Uu Axmed madoobe la hadlay sarkaalka ciidamadiisa ka masuulka ahaa isla markaasna ku soo wargeliyey inay halkaasi baneeyaan isla markaasna sida ugu dhaqasaha badan ku soo galaan magaalada Kismaayo ee xarunta jubada Hoose halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisadi.

Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa hadda ka hore ka mid ahaan jirey Alshabaab,waxaana la sheegey in arrintaasi u sahashay in Adeerkiis Xasan Turki oo ah nin da,ah isla markaasna ka mid ah Ragga Mayalka adag ee mareykanku ku daba joogaan uu dib ugu soo laabato Jasiirada Raaskambooni oo uu maamuli jirey mudo badan balse hadda lagu sheegey Xasan Turki inuu yahay nin hawlgab ah isla markaasna hadalka iyo socodkuba ku dhib yihiin.

Si kastey ahaataba Axmed Madoobe ayaa hadda la sheegayaa inuu qalabeysanayo sidii uu dib ugu biiri lahaa Alshabaab maadama kooxo badan ay kaga soo horjeedaan inuu ku sii noolaado ama Maamulo Magalaada Kismaayo iyaddoo ay jiraan Gulufyo colaadeed oo ka socda Magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com