Egypt Air Oo Ku Wajahnayd New York,Oo Khasab Loogu Dejiyey Garoon Dalka Britain Ee Prestwick Airport.

0

indexLondon(AGGM) waxaa aad loo hadal hayaa Diyaarad wadanka masar laga leeyahay isla markaasna ku wajahnayd Magaalada New York ee wadanka mareykanka ayaa lagu dajiyey garoon yar oo ku yaala Dalka England ka dib markii diyaaradaasi laga shakiyey,waxaana diyaaradaasi la daba dhigey diyaaradaha dalka ee Dalka Britain markii Pilotka diyaaradu  qaylo dhaan u dirsaday.

Mushqusha Diyaaradda ayaa la sheegayaa in laga helay warqad ay ku qornayd in diyaaradaasi la gubi doono isla markaasna ay geeri yoon doonaan dhamaan dadka saaran oo tiradooda lagu sheegey inay ahayd 300 oo rakaab ah isla markaasna u badnaa dalka mareykanka,waxaana la sheegey in rakaabku arrintaasi ka naxeen una gudbiyeen warbixintaasi duuliyaha diyaaradda oo isugu gargaar dalab dalbaday.

Taliska ciidamada cirka ee Dalka Britain ayaa la sheegey inay kiciiyeen dhawr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah isla markaasna hareeraha ka galeen diyaaradaasi iyagoo ku dejiyey Garoonka Lagu magacaabo Prestwick Airport,waxaana halkaasi ka socda baaritaanka lagu ogaanayo sababta ka dambeysa in dhaqankaasi lagula kaco rakaabka diyaaradda,waxaana hadda lagu guda jiraa in la ogaado qofkii qorey warqadaasi.

Si kastey ahaataba arrintan ayaa ah mid aad looga hadal hayo wadanka Britain isla markaasna rakaabka diyaaradasi saaran uu ku yimid dib u dhac iyo khalkhal baahsan,waxaana ay aamineen in diyaaradda ay saaran yihiin kooxa argagixisada ah isla markaasna diyaaradda ay gubi doonaan taasi oo markii dambe si nabad ah ku soo cago dhigatey.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com