Doorashada Madaxtinimada Ximan Iyo Xeeb Oo Maanta Dhacaysa

0

Aargada-CadaadoCaabudwaaq (AGGM) Maalmahan waxaa magaalada Cadaado ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ka socday ololaha doorashada oo ay wadaan Musharaxiinta Xilkaasi u tartameysa waxaana  lagu   wadaa in maanta ay ka dhacdo Doorashada madaxtinimada maamulka Ximan iyo Xeeb Iyadoo ay ka qayb galayaan dhawr musharax oo xilkaasi u tartamaya.

Maxamed Cumar Hagafeey Afhayeenka maamulkaasi ayaa saaka Allgalgaduud u sheegay in maanta degmada Cadaado ay ka dhicidoonto tartanka madaxtinimada maamulka Ximan iyo Xeeb, wuxuuna intaa ku daray in Sadex musharax ay u taaganyihiin tartanka doorashada madaxweynaha maamulkaasi halka Laba Musharaxna ay u tartamayaan madaxweyne ku xigeen.

Waxaana uu yiri ‘’Madaxweynihii hore, ku xigeenkiisii iyo anigo ah afhayeenka maamulka kama qeybgeleyno doorashada,  waxaan go’aansanay iney yimaadaan dad cusub oo howsha ka sii wadan meesha aan soo gaarsiinay,waanuna soo dhaweyneynaa cid kasta oo dooneysa inay xil qabato’’ .

Waxaa kale oo uu afhayeenku daboolka ka qaaday in ciidamada Amaanka maamulka Ximan iyo xeeb ay ilaaliyaan amaanka guud isla markaasna ay la socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo ka jira magaalada cadaado oo doorashadu ka dhacayso isagoo sheegey inay ka feejigan yihiin in kooxaha Alshabaab ka faaiideystaan inta doorashada lagu mashquulsan yahay.

Si kastey ahaataba shalay ayaa la soo gebagebeeyay ololaha doorashada maamulka Ximan iyo Xeeb,  iyadoo maantana ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaasi,waxaan lagu wadaa in maanta doorashada dhacayso ay la timaado isbedel cusub gaar ahaan dhinac madaxtinimada Maamulka Ximan iyo Xeeb.