Suldan Deqow " Kenya Waxay U Gashay Magaalada Kismaayo In La Hilmaamo NFD".* Dhagayso*

0

top newsGaarisa (AGGM): Suldan Deqow Suldan Macalin Sanbul, oo ah Guddoomiyihii dhaqdhaqaaqii loo yiqiiney NFD ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay mudanaayaasha baarlamaanka Kenya in ay faraha kala baxaan amuura dalka Soomaaliya.

Suldaanka ayaa sheegay in maamulka Sheikh Axmed Madoobe oo ka mid ah lixda nin ee isku haysta madaxtinimada Jubbaland uu gumeysi Soomaaliya u horseedayo.

Suldaanka ayaa ugu baaqay Kenya inay ka fogaato wixii keeni karo khilaaf ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Suldaan Deeqow Macalin Sanbuul ayaa wariye Maxamed Faarax Shire ugu waramay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.

Suldaanka ayaa sheegay in maamulka Jubaland ay wadato doowlada Kenya, waxaana uu cadeeyay in Kenya ay si qaldan Soomaaliya ugu dirtay Ciidamo gaaraya ilaa 4,000 oo aysan ka warqabin doowladii KMG ee xiligaa jirtay.

Waxa uu sheegay in Kenya ay Ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya si ay Kismaayo u noqoto meel lagu murmo oo laysku qabsado, si loo hilmaamo qadiyada NFD.

“Wax la qarinaayo maahan waa wax cad Kenya Ciidan beey geysay Soomaaliya iyadoon cid kala tashan wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Group nuucaas ah ayaa kaalmeeyay Kismayo in la qabto iyagoo markaas ku fikirsan in Kismaayo ay muran gasho si loo iloobo NFD” ayuu yiri Suldaanka.

Joogitaanka Ciidamada kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa noqotay mid dhalisay doodo iyo muran farabadan, iyadoo ay xusid mudantahay in Ciidamada Kenya markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya dabayaaqadii 2011 madaxweynihii hore ee doowladii KMG Shiikh Shariif uu ku eedeeyay ineey amar la’aan soo gashay dalka, balse markii danbo la xaliyay.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/06/Voice_012.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com