Maamulka Ximan Iyo Xeeb Oo Wadda Qorshe Aqoondarrada Lagula Dagaalamayo ( Sawiro )

0

DSC01414Cadaado(AGGM) Waxaa maanta deegaanada Ximan iyo Xeeb ka bilowday olole lagu hormarinayo dadka reer miyiga ah, kaasi oo lagula dagaalamayo aqris qoris la’aanta. Ololahan oo ay fulinayso mu’asasada waxbarashada ee Iftiin ayaa waxaa furay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo isugu jira fulinta iyo Baarlamanka, iyadoo deegaanada tuulooyinka ah la geeyay macalimiin dadka wax soo bara 2-da bilood ee ay fasaxa yihiin iskuulada nidaamiga ah.

C/llahi Shiikh Xassan Muxumad agaasimaha mu’asasada Iftiin ee gobollada dhexe ayaa waxa uu furitaanka ololahan ka sheegay in hadafkoodu uu yahay in dadka tuulooyinka ku nool la baro qorista iyo aqrinta af Soomaaliya iyo waliba xisaabaadka aas aasiga ah si loogu diyaari inay soo gaarto waxbarashada nidaamiga ah.

Xoghayaha waxbarashada iyo Sportiga ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb galay furitaanka Ololahan ayaa waxa uu sheegay in uu ahmiyad weyn ah uu leeyahay Ololahan dadka reer miyiga ah, dhiiri galinayaa,isagoona uu buugaag u qaybiyay dadka Ololahan ka faa’iidaysanaya.

Waa sanadkii 2-aad oo mu’asasada Iftiin ay Ololahan ka fuliso deegaanada hoos yimaada maamulka Ximan iyo Xeeb, waxaana ka faa’iidaysanaya kumanaan Ruux oo Caruur u badan islamarkaana y ku jiraan dad waaweeyn, kuwaasi oo ku kala nool in ka badan 10-Tuulo oo uu ka arimiyo Ximan iyo Xeeb .

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

DSC01409DSC01403DSC01408DSC01438DSC01403DSC01452DSC014021DSC01404