Dameero Magaca Madaxweyne Faroole Iyo Caruurtiisu Ku Qoran Yihiin Oo Saaka Lagu Arkay Qardho ( Sawiro)

0

11070Garoowe(AGGM) Magaalada Qardho waxaa maalmahan ka socday kulamo ka dhan ahaa Maamulka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole kulamadaasi oo lagu dhaliilo Maamulkiisa iyo qaabka uu u wado hanaanka Maamulka gobolada Puntland,waxaana halkaasi ku sugan siyaasiin badan oo doonaya inay ka qayb qaataan kulamo dhawaan waxgaradka Puntland ku yeelan doonaan magaalada Qardho.

Saaka waxaa gudaha Magaalada Qardho lagu arkay Dameero tiro badan oo qaarkood mayd yihiin qaarka nool yihiin oo lagu qorey Magaca Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Iyo Carruurtisa,waxaana la sheegayaa inay falkaasi ku kaceen dhallinyarada Magaalada Qardho oo si weyn u dhaliilsan maamulka Cabdiraxmaan Faroole.

Saaka markii shacabku soo tooseen waxaa indhahoodu qabteen dameero aad u tiro badan oo faras magaalaha magaalada taagan isla markaasna qaarkood xirxiran yihiin qaarkood dhinteen isla markaasna ay ku qoran yihiin ereyo dhaliil ku ah maamulka Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Ciidamada Booliska Puntland ee Magaalada Qardho oo talaabadan saaka wax laga waydiyey ayaa la sheegay inay sheegeen inaysan aqoonsan karin dadkii falkaasi ku kacay isla markaasna ay ku raad joogaan baaritaankaa dadka talaabadaasi qaaday,waxaana ay sheegeen inay tan oo kale hadda ka hor dhacday.

Ugu dambeyntii shacabka reer Puntland ayaa u muuqda kuwo khaati ka taagan muddo kororsiigi maamulka Cabdiraxmaan Maxamed Faroole,waxaana dadku bilihi la soo dhaafay wadeen mudahaaradyo iyo ereyo kulul oo ay hawada u marrinayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland oo ay kaga soo horjeedaan sanadka dheeriga ah ee ay ku darsadaan.

110702756

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com