C/naasir Seeraar Waxa Uu La Mid Yahay Muhammed Saeed Al-Sahaf-ki Ciraaq.

0

seeraar123Sida aan la wada socono magaalada Kismaayo ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaalo faraha looga gubtay oo u dhexeeyay maleeshiyo beeleedka Kablalax iyo maleeshiyo beeleedka Cowramaleh kuwaa oo hadda kuwa sugan aagaga hore ee difaaca halki ay xabada ka bilaabatay.

Afhayeenka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni amaba aan Iraahdo’e Kablalax C/naasir Seeraar ayaa waxa uu idaacdaha ka sheegay in ay maleeshiyadooda cagta mariyeen maleeshiyada beesha Cowrmaleh, balse wararka xaqiiqda ah ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in haatan labada maleeshiyo ay isku horfadhiyaan halki ay marki hore ka bilaabataya xabada, waloow ay jireen warar sheegayay in dib loo yara riixay maleeshiyaadka beesha Cowramaleh ee ka amar qaadanayay Iftiin Xasan Baasto.

Dhinaca kale afhayeenka maleeshiyada beesha Kablalax ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaan magaalada Kismaayo ay ka arrimiyaan maleeshiyadooda taa oo iyana markaan la xiriirnay mas’uuliyiin ka tirsan horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ka gaabsaday magacooda ay inoo xaqiijiyeen in magaalada Kismaayo ay uga sugan yihiin meelo kooban balse ay rajeenayaan inay dib gacanta ugu wada dhigaan gabi ahaan magaalada Kismaayo.

Isku soo wada duuboo haddaba soo leeysma oran karo C/naasir Seeraar waxa uu la mid yahay Muhammed Saeed Al-Sahaf-ki Ciraaq ee isaga oo ay gadashiisa taagan yihiin Taangiyadi Mareykanka Idaacadaha caalamka ka lahaa cagtaanu marinay ciidamadi ku soo duulay dalka Ciraaq,islamarkaana noqday ninkii ugu beenta iyo qosolka badnaa caalamka sanadki 2003.

C/laahi Cumar Saciid
Nairobi,Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com