Axmed Madoobe Oo Ciil Iyo Hungo Kula Soo Noqday Kismaayo, Sheegeyna Inuu Xamar Tagayo ( Sawiro)

0

Wafdi_Ahmed_Islam_11Kismaayo(AGGM) Hogaanka Jabhadda Raaskambooni Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose,waxaana Axmed Madoobe shaaciyey inuu maalmaha soo socda uu ambabixi doono Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soomaaliya halkaasi oo ay ku sugan yihiin Madaxda Dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa ah hogaanka ugu sareya Jabhadda Raaskambooni ee dhawaan ku dagaalantey magaalada kismaayo,waxaana uu shaaciyey inuu tagayo Muqdisho isla markaasna uu ka qayb qaadan doono kulanka maamulka loogu sameynayo Gobollada Jubooyinka Iyo Gedo,waxaana uu sheegey inuu kulankaasi intuusan qabsoomin uu tagayo Muqdisho isla markasna uu kulamo la soo qadanayo madaxda dalka soomaaliya Madaxweyne Xasan Shiikh & Raisalwasaare Saacid.

Axmed Madoobe ayaa u muuqda nin ku soo hugoobay kulamadii uu dhawaan la yeeshay Madaxda dalka kiiniya isla markaasna ay Madaxda dalka kiiniya si cad ugu sheegeen in arrimaha maamul u sameynta gobollada Jubooyinka Iyo Gedo dawlada federaalka ah ee soomaaliya xaq u leedahay isla markaasna aysan iyagu aqoonsan karin amase aysan tageeri karin.

Sidoo kale waxaa hadalkan ka soo yeerey horjoogaha Raaskambooni imaanaya xilli madaxda IGAD,Midawga Afrika qalinka ku dugeen in arrimaha dalka soomaaliya loo madax baneeyo dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana sidoo kale talaabadan ku soo beegmaysaa xilli xukumadda soomaaliya dhawr jeer ku celcelisay in dhamaan kooxaha isku haya siyaasada gobollada Jubooyinka Miiska wada hadalka isla markaasna loo dhisi doono maamul ku meel gaar ah inta Maamul buuxa loo dhisayo.

Horjoogaha Raaskambooni ayaa u muuqda mid hadda diyaar u ah in dawlada soomaaliya u soo magacawdo Masuulka ugu sareya goboladaasi lixda bilood ee soo socda,waxaana taalabadani ku soo aadaysaa xilli uu dhawaan markii shir beenaadkii kismaayo socday ay isaga u soo magacawday Maamul ku meel gaar ah oo lix bilood ah ku xigeena looga dhigey Col Yaasiin Raadeer oo ay isku mawqif yiihiin,taasi oo ay diideen iskood isugu magacaabeen madaxweyneyaal tiro badan.

Dhanka kale Waxaa Axmed Madoobe hoday oo jarka uga talaabsaday waa Madaxweynaha Maamulka Puntland oo markii uu dantiisa ka gaaray kaga dhaqaaqay Magaalada Nairobi isla markaasna si cad ugu sheegey inuusan waxba ka qaban karrin arrimahaasi isla markaasna kula taliyey inuu Muqdisho iska xaadiriyo isla markaasna uu raali galiyo Madaxda Qaranka  uuna u hogaansamo inuu ka mid noqdo ragga u tartarmaya xilka Madaxtinimada Maamulka dawladu u dhisayso goboladaasi.

Ugu dambeyntii Maanta Waxaa magaalada kismaayo dib ugu soo laabtey Axmed Madoobe oo farta dhexda ka qaniinsan isla markaasna ka shalaysan deg-deggii iyo fududeydkii uu ku sheegtey Madaxweynaha Jubaland isla markaasna  kooxo kale ka dhinac qaateen sheegeena inay Madaxweyneyaal yihiin kuwaasi oo Kismaayo ka sameeyey Darbigii Baarliin isla markaasna quusiyey hamigii Axmed madoobe iyo kooxdiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

Wafdi_Ahmed_Islam_11

Wafdi_Ahmed_Islam_12Wafdi_Ahmed_Islam_13