Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Oo Baaq U Direy Kooxaha Ku Loolamaya Kismaayo & Waxgaradka

0

ugaas-Maxamed-Ugaas-Cumar-300x225Kismaayo(AGGM) Ugaaska Guud ee beesha sade Darood Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo maanta saxafada la hadlaya ayaa baaq u direy beelaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka,waxaana Ugaasku ugu baaqay inay joojiyaan xiisadaha iyo colaadaha ay ka wadaan magaalada kismaayo,waxaana uu ugu baaqay inay wax kasta oo dhaca u bedelaan wada hadal iyo is afgarad.

Ugaaska Guud ee Beesha Sade Darood Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa shaaciyey inuu aad uga xun yahay in shacab soomaaliyeed oo aan waxba galab ku dhintaan magaalada kismaayo isla markaasna lagu dul dagaalamo,waxaana uu baaq u jeediyey labada kooxood ee ku hardamaya magaalada kismaayo isagoo ugu baaqay inay xiisadaha qaboojiyaan isla markaasna si walaaltinimo iyo tolnimo leh u dhameeyaan muranka siyaasadeed ee ka taagan magaalada kismayo.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar waxaa uu baaq u culus u direy waxgaradka , Ugaasyada, Salaadiinta, Iyo Aqoonyahanadda ku sugan kismaayo isagoo ugu baaqay inay ku dadaalaan sidii dhibaatada ka taagan kismaayo ay wax uga qaban lahaayeen isla markaasna kooxaha dirirsan isugu keeni lahayeen miiska wada hadalka si loo badbaadiyo dhiiga shacabka soomaaliyeed,waxaana uu sheegey inay wanaagsan tahay in lagu dhaqmo dhaqankii soo jireenka ahaa ee soomaaliyeed kaasi oo uu ku tilmaamaay aan wada hadalo oo aan heshiino.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi waxaa uu sheegey in dadka kismaayo ku wada dhaqan yihiin dad wada dhashay isla markaasna u baahan in laga hortago dhibaato kasta oo xumaan kaal dhex dhigi karta,waxaana uu baaq u jeediyey kooxaha ku dul dagaalamaya shacabka soomaaliyeed isagoo ugu baaqay inay colaada joojiyaan isla markaasna ka taliyaan shacabka ay doonayaan inay masuuliyiinta u noqdaan inay helaan nabad iyo nolol.

Ugu dambeyntii waxaa uu Ugaasku muujiyey sida uu uga xun yahay in la daadiyo dhiiga shacabka reer kismaayo ee walalaha ah,waxaana uu sheegey in loo baahan  yahay in waxgaradka iyo culimo awdiinka ku dhaqan magaalada kismaayo ku dadaalaan sidii uusan dhiig dambe ugu daadan magaalada kismaayo isagoo shaaciyey in dhiiga muslimka daadintiisu xaraan tahay isla markaasna meel ku dhac ku tahay shacabka soomaaliyeed in dhiigooda la daadiyo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com