Wasiirka Gashaandhiga Oo Ku Laabtey Muqdisho,Qaadeyna Dhaawacii Dagaaladii Kismaayo Ku Waxyeeloobay.

0

Wasiir-FiqiMuqdisho(AGGM) Wasiirka Gashaandhiga dawlada federaalka ee soomaaliya ayaa galabta dib ugu laabtey Magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya oo uu mudo 10 maalmood ka maqnaa isagoo magaalada kismaayo u joogey hawllo shaqo,Wasiirka ayaa magaalada kismaayo ka qaaday dhaawac tiro badan oo ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada kismaayo.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegey inay ku soo guuleysteen inay joojiyaan dagaalkii magaalada kismaayo isla markaasna ay maanta soo qaadeen dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaaladii labada maalmood ka socday magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegey inay dhaawacaasi isugu jiraan shacab iyo dadkii dagaalamayey.

Waxaana ka mid ahaa hadalada wasiirka ” Waanu ku guuleysanay inaanu hakino dagaaladii u dhexeyey kooxaha isku haya siyaasada magaalada kismaayo ee kala sheeganaya madaxtinimada, haddana waxaanu soo qaadnay dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaaladii dhawaan magaalada ka dhacay oo waxba looga qaban karin waayey kismaayo, waxaanuna dhaawacyadaas keeney xarumaha caafimaadka ee Amisom ku leeyihiin Muqdisho ”

Mudane Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi waxa uu daboolka ka qaaday in mawqifka dawladu yahay in maamul dhameystiran loo sameeyo gobollada Jubooyinka iyo Gedo,waxaana uu shaaciyey inaysan aqoonsan doonin cid gaar ah oo sheegatada inay tahay hogaanka goboladaasi,waxaana uu sheegey in shacabku xor yihiin isla markaasna aysan koox gaar ah u afduubnaan doonin.

Wasiirka iyo xubnaha la socda ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo halkaasi oo ay amaankooda ku ilaalinayeen ciidamada Amisom ee ku sugan kismaayo,waxaana ay maanta u soo dhoofeen magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gashaandhiga iyo xubnaha la socday ayaa qaaday in ka badan 25 ruux oo dagaaladii kismaayo ku dhaawacmay oo isugu jira kooxihi dagaalamay iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan,waxaana lagu daaweynayaa isbitaaalka ciidamada Amisom ee magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com