Istiin Xasan Baasto '' Jabhada Raskambooni Aano Qabiil Bay Bilaabeen,Mana Aqbalayno Xabad Joojin''

0

iftiinBaasto21Kismaayo(AGGM) Istiin Xasan Baasto oo ka mid ah Ragga sheegta inay yihiin Madaxweynaha Maamulka Jubbaland isla markaasna dhawaan dagaalo faraha looga gubtey la galay Jabhadda Raaskambooni ayaa saaka mar uu ku sugnaa gurigiisa isla markaasna saxafada la hadlay ayaa sheegey inaysan marnaba aqbali doonin inay wax wada hadal ah la galaan Jabhadda raaskambooni,waxaana uu sheegey in raaskambooni ay jabiyeen xabad joojintii shalay ay aqbaleen.

Istiin Xasan Baasto ayaa sheegey in dhinacood shalay aqbaleen inay xabad joojin sameeyaan isla markaasna ay xabad joojinta codsadeen dhinaca ka soo horjeeda,waxaana uu sheegey inay jabiyeen codsigii ay markii hore la yimaadeen,waxaana uu ku dooday inay xalay laba ruux oo shacab ciidamada raaskamboni aano qabiil ugu dileen Xaafada Via Afmadow.

Istiin Xasan Baasto waxaa uu sheegey in xabad joojintii waxgaradku ay wadeen ay jabiyeen Kooxda Raaskambooni,waxaana uu daboolka ka qaaday inaysan dhinacoodi aqbaleyn in xabad joojin la sameeyo isla markaasn Aano qabiil shacabka soomaaliyeed loo ugaarsado,waxaana uu talaabada raaskambooni xalay ku dileen laba ruux oo shacab ku tilmaamay mid aargudasho ah oo ay kaga aar gudanayaan saraakiishii dhinaciisa kaga dilay raaskambooni dagaalkii dhawaan ka dhacay kismaayo.

Istiin Xasan Baasto ayaa sheegey in saraakisha afarta ah ee Raaskambooni ka geeriyootey ay ku dhinteen dagaal aan waxba laysula harin isla  markaasna saraakishaasi diyaar u ahayeen inay dhintaan,balse waxaa uu sheegey in dad shacab ah oo aan waxba galabsan aano qabiil loo dilo, dhinaca kale waxaa uu sheegey in dhinaciisa ciidamo ka dhinteen isla markaasna uusan ugu aargu doonin dad shacab ah,waxaana uu sheegey inay dagaal ku geeriyoodeen isla markaasn ay la dhinteen dad ka mid ah dhinacii ka soo horjeeday.

Istiin Xasan Baasto ayaa eedeyn kulul u jeediyey dhinaca raaskambooni,waxaana uu sheegey inay hadda awoodoodi ciidan ku soo ururtey inay xaafadaha magaalada gaar ahaan Xaafada VIA Afmadow oo uu ku tilmaamay inay degan yihiin Raaskambooniyiintu ay dilayaan dadkii la degaana isla markaasna aan beel ahaan la wadaagin.

Hadalkan waxaa ii imaanayaa xilli shalay waxgaradka magaalada kismaayo kala qaadeen ciidamo labada dhinac kala tageersan oo isku horfadhiyey xaafado ka mid ah magaalada kismayo,waxaana sidoo kale saaka magaalada kismaayo ka jira xiisado colaadeed oo u dhexeya labada dhinac ,xiisadaas oo kacday markii xalay la dilay laba ruux oo shacab ah kuwaasi oo raaskambooniyiintu ku dileen xaafada VIA AFMADOW.

Ugu dambeyntii waxaa magaalada kismaayo ku soo qulqulaya maleeshiyooyin beeleedydo ka kala imaanaya daafaha tuulooyinka magaalada kismaayo ku hareereysan kuwaasi oo doonaya inay labada dhinac ee dirirsan la kala saftaan,waxaana arrintaasi salka la galaysaa arrimo qabiil.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com