Daawo Muuqaal: Jaaliyada Somaliland Norway Oo Baaq U Jeedisay Soomaalida Isku Haysa Kismaayo

0

p8788-150x150Kismaayo(AGGM) Safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyay dalka Norway Mr.Maxamed Maxamuud Aadan iyo shacab kale oo ka soo jeeda deegaanada Somaliland ayaa ka hadlay fikrad ahaan sida ay la tahay dagaalada ka qarxay magaalada Kismaayo.Shacabkaan oo nabad deg deg ah ku baaqay waxa ay sheegeen inaysan macquul eheen in xoog kale la isku sheegto ka dib 22 sano oo Soomaali ku soo dhex jirtay dagaal ahliga ah.

Mr.Maxamed Maxamuud Aadan  ” Ninka u ordaya xiligaan dagaalka ee ku doonayo inuu kursi ku fuulo dad uu dilay dartood waxaan dhihi lahaa ka joog taas maadaama dagaalka uu inan ku dhinto balse uusan inan ku dhalan ”’ .

Aragtida dadkan ayaa imaanaysaa xilli dhawaan dagaalo culus ka dhaceen magaalada Kismaayo kuwaasi oo u dhexeyey laba kooxood oo kala tageereyey laba nin oo madaxweyneyaal sheegtey,waxaana shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Norway muujiyeen aragttidooda ku aadan dagaaladaasi iyo sida wax u socdaan.

http://

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com